arrimaha bulshadaWararka

Baxsad Wadareed.. 14 Libaax oo Marqura Ka Wada Baxsaday Beer Xawayaan


Beerta xaywaanka ee Kruger park ee Koonfur-afrika, ayaa waxaa ka baxsaday 14 libaax oo ka gudbay xuduudda beerta meel u dhow xuduudda ay la wadaagaan Zimbabwe iyo Mozambique.

Sida ay qortay jariidada The Guardian, booliska Koonfur-afrika waxey soo saareen digniin ku aaddan dadka deegaannada deriska la ah goobtii ay libaaxyadu ka baxsadeen, dadkaa waxaa lagu baraarujiyey iney si xoog leh u feejignaadaan, maadama ay xilli kasta la kulmi karaan weerarro dhanka libaaxyada ka soo gaara.

Waxaa kale caddeyn oo aan illaa iyo hadda la ogaan habkii ay libaaxyadu ku baxsadeen, laakiin afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in ciidanka ilaalada duur joogta ay si gaar ah ugu daba jiraan, iyagoo carrabka ku adkeeyey in libaaxyadaa la qaban doono oo dib loogu celin doono beertii ay ka soo baxsadeen.

Caado ahaan beeraha xaywaanka ee waddaniga ah waxaa ku xeeran silig aad u dheer, oo la aaminsan yahay inaanuu xawayaanku ka boodi karin kana baxsan karin.

Beerta Kruger park ayaa waxaa la aaminsan yahay iney ka mid tahay beeraha xayawaanka ugu weyn qaaradda Afrika, inta badan daafaheeda kala duwan waxaa aad u jooga dalxiisayaal uga kala yimaadda daafaha kala duwan ee dunida.

Halkan waxaa la tilmaamayaa in badka ay ku fadhido beerta Kruger ee Koonfur-afrika ay gaareyso 5 milyan oo hegter, waxaa ku nool in ka badan 500 oo nooc oo shimbiro kala duwan ah iyo 147 nooc oo xaywaan naasooley ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close