arrimaha bulshadaWararka

Mar Kasta oo Aad Xanaaqdo Feer La Dhac.. Barkimooyinka boxing-ka oo Lagu Faafiyey Waddooyinka Magaalada New York! (Sawirro)


Muwaadiniinta magaalada New York ayaa waxey mar qura ku baraarugeen barkimooyinka Boxing ee feerka lagu ciyaaro oo midab jaalle ah leh oo ku faafsan waddooyinka magaalada, iyadoo dad badani aaney ogeyn sababta ka dambeysa in waddooyinka lagu faafiyo.

Ila wareedyo ay warbaahintu helayso ayaa sheegaya in barkimooyinkan la suray baallayaasha korontada ee waddooyinka New York lagu ifiyo, in la tilmaamayaa iney ka qeyb yihiin dhacdada DESIGN NYCX, oo ah shir ay magaalada ku qabsanayaan farshaxamiistayaasha magaalada, kaas oo soojiita indhaha boqolaal kun oo farshaxamiiste oo ku sugan daafaha kala duwan ee dunida.

Barkimooyinka feerka ee magaalada lagu faafiyey ayaa ka dhigan baaq muwaadiniinta loo soo jeedinayo iney ku caro burburaan isla markaana ay  niyad jabka iskaga baabi’iyaan marka ay socdaan waddooyinka magaaladan aadka u mashquulka badan.

Dad badan oo ka mid ah kuwa baraha bulshada ku firfircoon ayaa sawiradooda gaarka ah soo dhigay barahooda bulshada iyagoo barkimooyinkaa feeraya isla markaana ay caro ka muuqato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close