TiknoolojiyadaWararka

Nokia oo Shirkadaha Mobile-llada Kula Tartameysa Mobile Horumarsan oo Aad Raqiis u Ah (Muuqaal)


Shirkadda Nokia ayaa waxey soo bandhigtay mobile-keeda casriga ah ee “2.2”, kaas oo la filayo inuu noqdo mid suuqa si aad ah ugu tartama dhanka mobile-llada Smartphone-ka ee hadda ay dadku xiiseeyaan.

Mobile-kan ayaa waxa uu wataa shaashad qiyaasteedu ay tahay 5.71 inch, waxaana uu buuxinayaa badka ay indhahaagu qabanayaan, marka laga reebo duleello yaryar oo kaamirada loogu talogalay.

Sidaas oo kale waxa uu leeyahay kaamiro afka hore ah oo qiyaasteedu ay tahay 5  megapixel, aaladda garashada wejiga iyo kaamiro aasaasi ah oo 13 megapixel ah.

Waxa uu wataa CPU(Media Tek Helio A22) oo Frequency-giisu yahay 2.2 GHz, RAM-kiisuna waa 2/3 GB, betari qaadkiisu yahay 3000 oo Milliampere, iyadoo nidaamka uu ku shaqeynayaa uu yahay Android One.

Sicirka nuskhada wadata memory-ga 2/32 GB ee mobile-kan qiimihiisu waa 100 doolar oo kaliya, halka nuskhadda wadata memory-ga 3/64 GB uu sicirkeedu yahay 115-dolar oo qura.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close