arrimaha bulshadaWararka

Gabdha Chernobyl.. Qisada Gabadha Kaliya ee Ku Dhalatay Goobtan Dadka Mamnuuca Ka Ah


Gabadhii kaliya ee ku dhalatay goobta dadka ka mamnuuca ah ee Chernobyl ee aadka u suntan badan dadkana laga ilaaiyo , kadib qaraxii nukliyeerka ee sanadkii 1986, ayaa waxey isku bedeshay gabar caafimaadkeedu uu taam yahay sidii laga baqay si ka duwan u nool.

Mariyka, 19 jir ah, ayaa waxey qabsatay canawiinta saaxaafadda caalamka, kadib markii ay noqotay gabadha kaliya ee lagu dhalay meel u dhow warshadihii nukliyeerka ee no.4, ee sababay musiibadii Chernobyl.

Mariyka, kama aaney soo muuqan warbaahinta sannooyin badan, laakiin, sida uu sheegay wargeyska “Sunday Express”, hadda waxey noqotay ardayad ka tirsan mid ka mid ah mu’asasaadka waxbarashada sare oo caanka ah gudaha Ukraine, Kiev, hadda waxey jirtaa 19 sano, caafimaadkeeduna aad ayuu u wanaagsan yahay.

Markii ay dhalatay sanadkii 1999 xukuumadda Ukraine waxey isku dayday iney qariso, aad ayey ugu dhibaatoodeen in gabari ay ku dhalato goobta Chernobyl oo dadka mamnuuc ka ah aadna looga ilaaliyo, goobtan waxaa ku noolaa aabaheed oo si sharci darro ah u dagay.

Aabaheed waxa uu diiday inuu deegaanka ka guuro maadama ay xukuumaddu aaney u soo bandhigin deegaan kale oo uu ku bedesho, Mariyka goobta ayey ku nooleyd iyadoo ay jirtay in waalidiinteed la soo gaarsiin jiray digniino ku aaddan khatar ay goobtaasi leedahay oo caafimaadkeeda dhibaato u geysan kara, maadaama shucaaca nukliyeerka uu goobta ku beden yahay, taa bedelkeeda waxey cabbeysay caanaha lo’da la daajiyo goobtan khatarta badan, kadib markii uu halkaa qarax nukliyeer ah uu ka dhacay dhowr iyo sideetamaadkii qarnigii hore.

Gabadhan waalidkeed mudadaa ay deegaanka ku sugnaayeen waxey marwalba gaashaanka u daruuri jireen warar been abuur ah oo gabadhooda laga faafiyo oo xilliyada qaar lagu sheegi jiray iney labo madax leedahay, waxaase cadaatay mar dambe iney dadku khaldanaayeen oo gabar aad u qurux badan oo wax dhalanrog ah aan lahayn ay ku dhalatay Chernobyl.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close