iskuulladaWararkaWaxbarashada

Giriigga: Macallin Shaqada Looga Eryey Arday uu Ku Xayiray Fasalka Muddo 20-Daqiiqo Ah


Wasiirka waxbarashada Griigga ayaa shaqada ka joojiyey macallin dugsi hoose wax ka dhiga oo ku sugan jasiiradda Rhodes, kadib markii uu macallinkaasi uu fasalka ku xayiray arday in ka badan 20-daqiiqo.

Jariidadda “Greek Reporter” ee dalka Giriigga ka soo baxda ayaa sheegtay in dhacdadan ugubka ah ay dhacday xilli ay dhammaadeen xisadaha waxbarasho, macallinka ayaa ardaydiisa ku amray iney si degdeg ah fasalka uga baxaan, haddii kale ardaygii dib dhaca uu dusha sare kaga handaraabayo fasalka, hal arday oo gaabis ahaa oo (9 jir ah) ayuu iridda dusha sare uga xiray, kaas oo qeylinayey in muddo ah si albaabka looga furo, ilaa uu dhawaaqiisa ka maqlay macallin luuqadda Jarmalka ka dhiga iskuulka oo markii dambe iridda ka furay.

Aabaha dhalay wiilkan yar ayaa dacwad ku soo oogay macallinka iyo iskuulkii uu ka tirsanaa, oo tuhunka loo soo jeediyey beeniyey, kuna dooday in go’aanku ahaa mid hal dhinac ah oo macallinka ku kooban iskuulkuna aanuu waxba ka ogeyn.

Arrintaasi markii ay dhalisay guux badan iyo caro, isla markaana ay warbixinnada qaar tilmaameen in ilmahaa yari uu isku dayey inuu ka boodo dariishada fasalka oo ku taallay dabaqa labaad, ayaa  wasiirka waxbarashada Giriigga “Costas Gafruglu” uu soo saaray bayaan uu ku sheegayo: “In wasaaraddu ay go’aansatay in macallinka shaqada laga eryo, dhacdadan hadda waxaa laga furay baaritaan rasmi ah.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close