CaafimaadkaWararka

Wiil Yar oo Dalka Ingiriiska u Dhashay oo Leh Hal-Sambab.. Hal-kalli.. Wadnihiisuna Ku Yaallo Dhanka Midig ee Jirkiisa oo Sanadkiisii Saddexaad Dhammeystay!


Wiilkan yar ee Frankie Shopland waxa uu dhammeystiray sanadkiisii saddexaad kadib markii uu ku dhashay hal-sambab, hal-kalli iyo wadne ku yaalla dhinaca midig ee jirkiisa, wuuna nool yahay waa mucjiso caafimaad, iyadoo ay jirto in lagu tilmaamay inuu yahay qof nuskiisu yahay aadane, xaaladdiisa naadirka ah marka la eego, kadib markii ay dhakhaatiirtu daahrogeen in inta badan Abdominal cavity ay faaruq yihiin oo aaney shaqeynayn.

Waalidiinta dhashay Grant iyo Kerry  Shopland, oo ka soo jeeda koonfur beri London, oo isku fil ah (26 jir ah), ayaa waxey diideen iney ilmaha uurka hooyadii laga soo rido, kadib markii baaritaannadii lagu sameeyey ay soo saareen iney wax khaldan yihiin, markii uu dhashay waxa uu isbitaalka ku sugnaa oo lagu hayey 800 oo maalmood.

Jariidada Daily Mail waxey sheegtay in Frankie labo qalliin oo waaweyn lagu sameeyey, midkood sabab artificial ah ayaa loogu geliyey, laakiin dhibaatada haysata ayaa ah inaanuu cunnada iyo cabitaanka si dabiici ah u qaadan Karin, maadama neefsashadiisa ay u baahan tahay in lagu taageero oxygen oo inta badan xiran.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close