CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Ka Digeysa Adeegsiga Carfisooyinka Sunta Ah


Anne Steinman, oo ah khabiir dhanka maaddooyinka suntan ah ee hawada ku jira, ayaa ku dhawaaqday in carfisooyinka hawada ay khatar ku yihiin caafimaadka, isla markaana ay daciifiyaan difaaca jirka isla markaana ay sababaan mashaakil farabadan oo dhanka caafimaadka ah.

Barafuunnadaan carfisooyinka ah waxaa ku jira maaddooyin sumeysan oo xasaasiyad u keena habdhiska neefmareenka jirka isla markaana dhibaateeya neerfaha, isla markaana ay ku jiraan maaddooyin kansar laga qaadi karo. Barafuunnada kiimikada ah ee ku jira qalabka wax lagu nadiifiyo iyo kuwa nadaafadda jirka loogu talogalay, sida; shaambooga, kareemada ay dumarku isku qurxiyaan, saabuunta, iyo kareemka qorraxda la iskaga difaaco.

Daraasad la sameeyey oo ay ka qeybgaleen 1136 qof oo isticmaala barafuunnada carfisooyinka ah, ayaa cilmibaarayaashu ay ku ogaadeen in 30% ka qeybgalayaasha ay dareemayaan dhibaatooyinka dhanka neefsashada ah, madax xanuun kadib marka goobta ay joogaan lagu buufiyo. Saameynta taban ee dadku ugu badnaayeen waxey ahayd mashaakil dhanka neefsiga ah iyo madax xanuun, sidaas oo kale dadkii daraasadda ka qeybgalay waxaa lagu arkay dhibaatooyin dhanka jirka ah, dawakhaad, xubnaha jirka oo xanuuna, iyo garaaca wadnaha oo sidii la rabay aan u shaqeyn.

Sidaa darteed, dhakhaatiirtu waxey ku talinayaan iyo dadka takhasuska u leh, in la isticmaalo carfisooyinka aan sunta lahayn, oo waxyaabaha ay ka kooban yihiin ay ku jiraan, baking soda, white vinegar iyo casiirka liinta.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close