CaafimaadkaWararka

Khubaro Ka Digay 4-Caado oo Kansar Horseeda.. Waxaa Ka Mid Ah Qahwada Subixii Hore La Cabbo!


Khubarada Jamciyadda Kansarka ee dalka Mareykanka, ayaa ka hadlay xiriirka u dhaxeeya caadooyinka horseeda in qofka uu ku dhaco kansar, waxaa ka mid ah in xilliga subixii la cuno cunto aad u kulul.

Khubaradu waxey si gaar ah farta ugu fiiqeen Afar caado oo kala ah:

1- Cunnooyinka iyo Cabitaannada aadka u kulu

Waxaa aad u korodha khatarta ah inuu cudur ku dhaco shaqsiyaadka caadeysta iney cunaan cunnooyinka ama cabitaannada aadka u kulul, waxey khatar ugu jiraan inuu ku dhaco kansarka hunguriga iyo kan ku dhaca dhanxanagga, sidaa dartee; khubaradu waxey ku baaqayaan inaan la cabin shaaha iyo cunnooyinka heerkulkoodu ka badan yahay 60-darajo.

2- Qahawada subixii

Khubaradani waxey sheegeen in qofku uu cabbo koob ama labo qahwo ah ay ku kordhineyso inuu ku dhaco kansarka sambabada 41%, waa natiijo uu soo saaray ururkan si gaar ah ula socda kansarka kadib markii ay daraasad sameeyeen oo ay baareen 1.2 milyan oo qof oo xaaladooda si gaar ah loola socday.

3- In Si maalinle ah hilibka loo cuno

In hilibka cas si maalinle ah loo cuno, gaar ahaan kan warshadeysan ee mudada dheer la keydiyo, waxa uu keenaa dhimasho xilli hore ah heer gaarsiisan 43% oo ay ku jirto sabab kansar, maadada Sodium nitrate ay tahay maadada ugu khatarsan ee ku jirta hilibka warshadeysan, waxeyna khubaradani la xiriiranayaan in laga qaado 4 nooc oo kansar ah oo habdhiska dheefshiidka ku dhaca.

4-Shaqada Habeenkii

Hurdo yarida iyo dhafarka xilli dambe habeenkii la soo jeedo, waxa uu keenaa inuu hoos u dhaco hormoonka Melatonin oo mas’uul ka ah isku xirka habsami u sucodka howlaha jirka, sidaa darteed; marka hormoonkaasi uu jirka ku yaraado, waxaa bata in jirka uu soo weerarro kansarka, sida ay khubaradani sheegayaan, halka sidoo kale uu aad u kordho khatarta kansarka naasaha.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close