arrimaha bulshadaWararka

Saddex Dal oo Carbeed oo Noqday Kuwa Ugu Heerkulka Sarreeya Adduunka


Saddex dowladood oo Carab ah ayaa laga diiwaangeliyey heerkulka ugu sarreeya Adduunka ee muddo isbuuc ah dowladi waajahdo.

Heerkulka dowladda Kuwait ayaa noqday 63-darajo, Ciraaq waxey  gashay kaalinta labaad 55.6-darajo, halka Sucuudiga heerkulkiisu uu gaaray 55-darajo, waa sida ay qortay jariidada Sabq, ee dalka Sucuudiga laga leeyahay.

Khubarada saadaasha hawada waxey filayaan in heerkulku uu gaaro 68-darajo, inta lagu guda jiro bisha July.

Arbacadii muwaadin Kuwait u dhashay ayaa ku dhintay, kadib markii qorraxda in muddo ah uu ku dhex lugeynayey.

Gudaha Sucuudiga wasaaradda shaqada iyo horumarinta bulshada waxey mamnuucday in qorraxda lagu shaqeeyo cid kasta oo qorrax joog ahaydna waa loo diiday iney qorraxda ku dhex shaqeyso, gaar ahaan kuwa gacansiyada yaryar ee gaarka loo leeyahay ka shaqeeya, waana ilaa inta laga gaarayo September 15, 2019.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close