arrimaha bulshadaWararka

Askari Mareykan ah iyo Gabar Faransiis ah oo Is Jeclaaday 75-sano Ka Hor oo Mar Kale Dib U Midoobay (Muuqaal)


Askari ka tirsanaa ciidanka Mareykan ayaa waxa uu jacayl u qaaday gabar dalka Faransiiska u dhalatay oo 18-jir ah, kadib markii ay ka soo wareegtay 75-sano, ayaa uu dooney in jacaylkiisii uu markale dib u raadiyo, waa markii uu gaaray 97-sano jir, waxa uu ka helay guri dadka waayeellada ah lagu xananeeyo.

Robenso waxa uu jiray 24 sano, waxa uu ka shaqeyanayey ciidanka Mareykanka, xilligaa ayaa waxa uu caashaqay gabar Faransiis ah oo la yiraahdo Juneyn Janaaya, waxey isku barteen magaalo yar oo ku taalla waqooyi bari Faransiiska sanadkii 1944 halkaas oo howlo shaqo uu u joogay iyo ka qeybgalka dagaalkii labaad ee Adduunka, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail.

Sheekada jacaylka ayaa bilaabatay xilli uu “Robinis” raadinayey qof dharka u dhaqa, gabadhan hooyadeed ayaa ogolaatay iney caawiso, si dhekhsiyo ayuu jacayl ku qaaday oo aragtidii koowaadba haleelay, laakiin labo bilood kadib ayaa Robinis waxaa u soo baxay shaqo iyo inuu ka qeybgalo dagaal, waxa uu yiri: “Waxaan u sheegay inaan u soo noqon doono, laakiin ma aanan filaneyn in sidan ay dhacayso oo mudadaa aan kala maqnaan doonno.”, Juneyn dhankeeda waxey tiri: “Xilligaa markii uu gaariga raacayey aadbaan u ooyay, aadna waan u murugeysnaa.”

Ronis marnaba ma aanuu quusan, sawir ay xilligaa isla galeen ayuu haystay, waxa uu tusay sawirka saxafiyiin Faransiis ah oo la soo xiriiray oo ka doonayey wareysi  madaadama uu ka mid ahaa dagaalyahannadii hore ee Faransiiska ka soo dagaallamay, markii uu la kulmay ayuu u sheegay inuu doonayo inuu Faransiiska dib ugu laabto maadama uu doonayo inuu raadiyo qoyska jacaylkiisa iyo xaalkeedu halka uu ku dambeeyo.

Saxafiyiintii ayaa garab siiyey oo qoyskii la raadiyey, waxey ka heleen guri dadka waayeellada ah lagu xanaaneeyo oo 27 meyl u jira goobtii ay isku barteen markoodii koowaad, waxeyna isku dayeen iney isku keenaan, labadooda mid walbaa wuu tarmay oo caruur ayaa ka farcantay, laakiin nasiibku waxa uu isku keenay iyadoo mid walba lamaaanihiisa uu ka geeriyooday, halkaas ayeyna mar labaad ku kulmeen 75-sano kadib.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close