arrimaha bulshadaWararka

Ma Xaqiiqbaa Mise Waa Khiyaali… Maher Noqonaya Kii Ugu Qaalisanaa Taariikhda Ciraaq oo Haweenay Lagu Meheriyey Lacago Aad u Farabadan (Muuqaal)


Baraha bulshada waxaa aad la iskula dhex marayey sawirka warqad guur oo ka soo baxday maxkamad ku taalla caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, warqadda waxaa ku qoran meherka guurka oo gabadha lagu meheriyey lacag ka badan 6-milayn oo dolar!.

Sada ku qoran warqadda guurka, oo aaney suurtagelin saxaafadda caalamiga ah in sax ahaantiisa ay xaqiijiyaan, laakiin ay ku saxiineyd maxkamadda qoyska ee Baqdaad, waxaa meherku yahay 3 bilyan oo diinaarka ciraaq ah oo hordhac ah(2.5 milayn oo dolar), iyo 5 bilyan oo diinaar (4.1 milayn oo dolar) oo gadaal ninku ka bixinayo.

Warqadda nikaaxa waxaa ku qornaa in ninku uu dhashay 1984, isla markaana uu guursaday haweenay garoob ah oo leh labo caruur ah, isla markaana uu ballanqaaday inuu labadaa caruurta ah isagu uu korin doono.

Dadkii ka falceliyey qiimaha meherkan ayaa waxey u qeybsameen labo kooxood, koox warka rumeysatay iyo kuwo kale oo u qaatay iney ka badbadan dhanka warbaahinta ah oo aan sal iyo raad lahayn ay tahay, halka dadka qaar ay ku doodayeen in meherka qaaliga ah ee ka badbadiska ah uu keenay in gabdho badan uu guurku ka daaho.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close