arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

5 Calaamadood oo Lagu Garto Jacayl Beenaalaha Dad Ku Ciyaarka Ah (Muuqaal)


Qofka jacayl ku ciyaarka ah bilowga hore lama garto, maxaa yeelay; matalaadda aad ayuu u yaqaannaa, waxa uu ku fiican yahay sida uu xeeladihiisa ku hirgeliyo, si qofka gacantiisa ku jira uu u hanto waxa uu adeegsadaa taktikooyin kala duwan,  marka aad dareento in qofka aad wada socotaan uu yahay qof aanuu jacaylku dhab ka ahayn si gaar ah u fiiri calaamadahan si aad u xaqiisato dhagartiisa uga badbaaddo.

  1. Qofka jacayl ku ciyaarka ah aad ayuu u masayr kulul yahay, wey adag tahay inuu u dulqaato in shaqsiyaad kale uu kugu ag arko, maxaa yeelay; waxa uu dareemayaa in dhibaato ku soo foolleedahay, saaxiibbo kuuma ogola, ma jecla inaad saaxiibbo cusub yeelato ama dhanka shaqada aad cid kula saaxiibto, aad ayuu u xanaaqaa marka uu agtaada ku arko qof ay qaraabo yihiin ama isaga wax un ka yaqaanna, inta badan waxey cabashadiisu ku badan tahay inuu kuu sheego inaadan waqti badan siin.
  2. Dadka aad jeceshahay inuu kaa ag fogeeyo ayuu jecel yahay, si meel goonni ah uu kuugula baxo, waxa uu jecel yahay inuu cid kasta kaa fogeeyo, waxa uu jecel raadiyaa in dadka aad daneynayso ama dhibaatadaadu ay dhibeyso uu kaa fogeeyo, si uu dantiisa kaaga gaaro iyadoo cidina aaney waxba dareemin. Qaraabadaada iyo saaxiibadaa warar aan wanaagsaneyn oo sumcad dil ah ayuu kaaga sheegayaa si uu kaaga fogeeyo, adigana warar been ah ayuu kaa sameeyaa si ay iyaguna kaaga fogaadaa.
  3. Qofka jacayl ku ciyaarka ah waxa uu yaqaanna sida uu howlihiisa u socodsiisto iyadoo aan cidina dareemin
  4. Waa shaqsi sun badan oo yaqaanna sida uu wax u khiyaamo, xilliyada qaar waxaad arkaysaa inuu aad u xanaaneyn badan yahay, xilliyada qaarna uu aad kuugu adkeeyo labada dhinacba xirfad sare ayuu ku leeyahay, waxa ugu daran ayaa ah in xilliyada qaar uu kuu soo jeedinayo erayo xanaf leh oo uu kugu bahdilayo, si uu kuu tuso in qiimahaagu uu hooseeyo. Marka uu arko inaad ka fogaaneyso oo aad xaalkiisa soo yara fahamtay; waxa uu kuu dejinayaa istiraatiijiyad cusub oo tii hore ka duwan, si uu markale kalsoonidaada ku hantiyo. Ha moodin inuu marna kuu dabcayo, maxaa yeelay; waa qof ku raaxeysa dhibaatada dadka kale.
  5. Lamaanihiisa aad ayuu u yareystaa

Si waxa uu doono uu kaaga sameysto marka hore waa inuu hami jab kugu rido oo ixtirmaaka aad naftaada u hayso uu jabiyo iyo kalsoonida aad isku qabto, xilliyada qaar wuu ku xaqirayaa si bareer ah arrinkaagana wuu yareysanayaa, marka hore hal eray oo xanaf leh ayuu ka bilaabayaa, marka xiga wuu kugu soo cecelinayaa erayada xanafta leh iyagoo sidii hore ka badan.

6. Wuxuu ku dareensiiyaa inaad dambiile tahay

Dadka noocan oo kale waxey qofka ku khasbaan inuu ka qirto dembi aanuu gelin, waxa uu yaqaannaa istiraatiijiyad uu kaaga dhigi karo inaad adigu khaldan tahay, waxa uu kaa faa’iidaystaa xilliyada uu arko iney kaa jajaban tahay ama aad daciif tahay, hadalkaaga ayuu u isticmaali karaa adiga naftaada si uu kuugu jabiyo.

Si kastaba, waxaa hubaal ah inaad kala garan karto qof daacadda ah iyo qofka ku khiyaamaya ee dhibaatada kugu ah, lagama yaabo qof ku jecel inuu kaa horistaago saaxiibadaa iyo dadaka ku jecel, maadaama uu og yahay xilli walba inaad qalbiga ka wada joogtaan, waa marka uu si dhab ah kuu jecel yahay, marnaba yaan lagugu khiyaamin jaceyl been ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close