WararkaWaxbarashada

Deegaan Colombia Ku Yaalla oo Doonaya Inuu Labo Record oo Dhanka Qahwada Ah u Dhigo Dunida! (Muuqaal)


Degmo ku taalla Colombia ayaa waxey ku dhaqaaqday, Sabtidii, Juun 15, 2019, iney dhigto labo record oo mid kood yahay iney sameeyaan koobka ugu weyn ee Qahwada lagu cabbo adduunka, halka record labaad ee ay doonayaan iney dhigaan uu yahay iney diyaariyaan dhacdada ugu weyn ee qahwo lagu dhadhamiyo dunida.

Koobkan weyn ayaa waxa uu qaadi karaa ku dhawaad 20-tan oo Qahwo ah, waxaa laga dhisay barxad weyn oo ku taalla dowladda hoose ee magaalada Tashantishnaa, waana deegaan ku yaalla dhul buuraaley ah oo lagu beero bunka gudaha Colombia.

Dadkii dhacdadan abaabulay waxey sheegeen iney isku dayayaan iney xaqiijiyaan labo record oo danta laga leeyahay ay tahay in tooshka lagu ifiyo dhaqanka qahwada iyo muhiimadda dadka beeraaleyd ah ee deegaanka ay leeyihiin, waa sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Laakiin, deegaanka waxaa laga rabaa iney muddo sugaan si guulaha ay gaaraan loo xaqiijiyo iyo labada record ee ay isku dayayaan iney dhigaan oo la hubinayo in cid ka sarreysaa aaney jirin. mas’uul u hadlay buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness World Records, ayaa sheegay in deegaanka laga rabo caddeyn badan inta aan lagu dhawaaqin tajiidadooda oo aan buugga lagu daabicin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close