arrimaha bulshadaWarbixinnoWaxbarashada

Sida Ugu Wanaagsan ee Aad Ku Heli Karto Xasillooni iyo Relaxes.. Raac(7)Tallaabood ee Muhiimka Ah (Muuqaal)


Aadanuhu xilliyada qaar waxa uu u baahan yahay nasasho, gaar ahaan marka uu waajaho maalin dheer oo daal farabadan uu la kulmo, maadaama uu ku jirey shaqo ama shaqada guriga oo iska howl badan.

 Sadaradan soo aaddan waxaan ku baraneynaa talooyinka qaar sida jirka loo nasiyo, waa sida uu sheegay website-ka “Uofmhealth”.

Talooyin Muhiim u ah habka jirka loo nasiyo:

-Waxaa waajib ah inuu qofku si gun hoose ah u neefsado, ama uu tijaabo layliyada neefta ee kale ee nasashada ku habboon.

-Waxaa lagu talinayaa in uu qofku ku qubeysto biyo kulu, kaas oo jirku ku nafiso kuna nasanayo.

-Halkan waxaa lagu talinayaa inaad dhageysato music daggan, ku dhageyso meel daggan oo aan buuq lahayn oo aan lagu mashquulineyn.

-Qor dareenka taban iyo muruga aad dareemayso si aad u nafisto oo ay naftaada uga raaxeysato.

– Ciyaar sportska Yoga-ha loo yaqaanno, kaas oo laga baran karo muuqaalada Youtube-ka ama laga akhrin karo website-yada ka hadla ee dhanka internetka ku faafsan.

-Isku day inaad xubnaha si tartiib tartiib ah u nafisiso, fidi oo hadana soo laab, arrintaas oo aad nafis ku dareeymayso haddii hurdo yari ay ku haysana aad kaga bixi karto.

-Qofobka ugu dambeeya, waxaa lagu talinayaa inaad hesho fadhiyo daliig ah oo jirkaaga lagu duugayo, gaar ahaan dhabarka, cabitaan diirran oo aan kafayin lahayn, sida; shaaha dhirta ama caano diirran.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close