Uncategorized

Dagaal Geeri iyo Nolol ah oo u Dhaxeeya Mas iyo Yaxaas.. Ma Rumeysan Kartid Cidda Guuleysatay (Muuqaal)


Dagaal geeri iyo nolol ah oo u dhaxeeya mas iyo yaxaas, ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay si aadan filaneyn, waxaa iska caadi ah in dad badani ay fishaan in guushu ay raacayso yaxaaska, maadaama uu ka baaxad weyn yahay kana jir adag yahay, kana awood badan yahay maska.

Laakiin Australia xaalku sidaa uu ka duwan yahay, Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa waxey faafisay sawirro uu qaaday Martin Mullar oo uu ka qaaday maska labaad ee ugu weyn Australia oo liqaya yaxaas weyn oo ku dhex jira biyaha macaan, muuqaal aan la rumeysan Karin oo laga duubay Queensland gudaha Australia.

Sawirradan ayaa dood badan ka dhaliyey baraha bulshada, halka dadka qaar ay lama filaan ku noqotay awoodda maska sida ay u baaxad weyn tahay, maadama uu liqay yaxaaskan aadka u weyn, isla markaana uu ka taqaluusay, muuqaal argagax badan, halka dadka qaar ay is weydiinayeen, in sawiraagu uu naftiisa khatar gelayay maadama uu isku biimeeyey inuu sawiro muuqaalkan argagaxa badan.

Marka yaxaaska si dhammeystiran loo liqo, sawirada qaar waxaa ka muuqanaya dibka yaxaaska oo in yari ay ka dhiman tahay, muuqaal layaab badan oo fajiciso ku noqday dad badan, gaar ahaan waxey dadku aad ula yaabeen sida uu yaxaasku u weyn yahay iyo sida looga adkaaday.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close