Uncategorized

Erayo Romantic ah oo Ay Waajib Tahay Inuu Kaa Maqlo Lamaanahaagu Si Noloshiinnu u Qurux Badnaato (Muuqaal)


Jabi khajilaadda oo adeegso erayo jacayl iyo geeraarada uu lamaanahaagu u baahan yahay inuu afkaaga ka maqlo, haddii uu lamaanahaagu qalbi wanaagsan yahay waxa uu mudan yahay inaad dareenkaaga u muujiso iyo jacaylkaaga adigoo erayo qurux badan isticmaalaya, qalbigiisana deegaan wanaagsan ka sameysanaya, noloshasiisana farxad ka buuxinaya, haddii aad tihiin aroos cusub ama muddo dheer aad wada joogteen.

-Xulo erayada ku habboon iyo mgaca gaarka ah ee aad u taqaanno.. ku bilow; qofka qalbigeyga daggan ee noloshaydan faraxad iyo iftiinka ka buuxiyey.. jacaylkeyga iyo rafiiqeyga nolosha.. waxaan kuu soo dirayaa ubax anagoo kuu soo qoray warqad qurux badan oo si wanaagsan u xardhan aadna u udgoon..waxaan kuu rajeynayaa maalmo qurux badan oo jacaylku uu marwalba isku keen soo dhaweeyo.. jacaylkii noloshaydow.

-Waan ku jeclahay sida aad iibartay habka aan kuu jeclaado..waxaad fallaar kalgaceyl surtay qalbigeyga oo jacayl xad dhaaf leh kuu qaaday, waxaad noqotay qofka qalbigeyga hantiyey lagamanaya yaabo in jacaylkaasi uu qalbigeyga ku dhinto, maxaa yeelay; waxaan kuu qabaa jacayl dhab ah oo weligii jiri doona si kasta oo ay duruuftu u adkaato.

-inadhahayga baalashiisow, cimrigeyga oo dhan adigaan kuu hibeeyay, balaayada iigu daran waa fogaanshiyahaaga.

-Farrintani waxey ku soctaa qofkii aan jeclaaday jacayl aan la tilmaami karin.. qofka qalbigeyga guriga ka sameystay jacaylkiisana ka dhigay mid laabtayda suran.

-Waxaan kuu hayaa dareen jacayl oo aan horey cidna u qaadin, jacayl aan murugo lahayn, waxaan kula jeclahay wanaag uu qof aadane ah oo kasta la jacelyahay qofka noloshiisa ugu qaalisan, waxaan jeclahay inaan dhinacaaga ahaado marwalba ilaa inta dhulku taagan yahay ee ay nololi jirto.

-Samadu waxey markhaati ka tahay, shimbiraha jacaylku ay inagoogu hareeraysan yihiin inaaney suurtaggal ahayn inaad jeclaado qof kale.

-Haddii ubuxu yahay mid soo jiidasho badan, adigaa iiga udug qurux badan, booska aad qalbiga ku leedahay aad buu qaali u yahay.

-Magacu waa wiilkii/gabadhii kugu waalneyd, cimrigeyguna waa kaaga, waxaan xiiseeyaa waxaad daneyso, hadalkeyga gun dhigiisu waan ku jecelahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close