Uncategorized

Record Cusub Ayey Ka Dhigeen Guinness World Records..633 Badmaax oo Badda Gunteeda Ka Nadiifiyey Hal-tan oo Qashin Ah (Muuqaal)


633 badmaax ayaa waxey dhigeen record cusub oo laga diiwaangeliyey buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness World Records, kadib markii ay u suurtagashay iney soo uruuriyaan hal-tan oo qashin ah oo badda gunteeda ay ka soo bixiyeen, magaalada Deerfield Beach ee Florida, Maraykanka.

Jariidada (New York Daily News) ee dalka Mareykanka ka soo baxda, ayaa sheegtay in badmaaxyadani ay ku qaadatay labo saacadood oo qura iney ku soo uruuriyaan qashinka ku jira badda gunteeda meel ku dhow xeebta Deerfield Beach ee Florida ee laga kalluumeysto.

Dadkii dhacdadan nidaamiyey waxey sheegeen iney tahay markii 15-aad ee ay badda gunteeda nadiifiyaan, laakiin ay tahay markii koowaad ee laga diiwaangeliyo recordka cusub oo ay ku muteysteen tirada badmaaxyada dhacdadan ka qeybgalay.

Garsoore ka tirsan maxkamadda Guinness oo la yiraahdo Michael Empric, ayaa safar nadir ah ku gaaray magaalada New York isagaana badmaaxyada madax ka tiris ku sameeyay 9:00  subaxnimo ilaa 11:00 kii barqanimo.

Garsoorahani waxa uu sheegay: “Halkan  anigaa istaagay dadka oo dhan anigaa si shaqsi ah u tiriyey markii ay biyaha galayeen.”

Badmaaxyadu badda ayey gudaha u galeen, halkaas ayeyna ku sugnaayeen muddo 15 daqiiqo ah ugu yaraan. Waxaa ka mid ahaa Dahlia Bolin, oo 13 jir ah, iyada iyo hooyadeed ayaa ka mid ahaa badmaaxyada, maadama ay doonayeen iney ka qeybqaataan recordkan cusub ee la jabiyey.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close