Uncategorized

Cimrigeedu Waxa Uu ka Badan Yahay 180 sano.. Daawo Sawirkii Selfie-ga ee Ugu Horreeyey Dunida


Warbixinno dhanka saxaafadda Mareykanku faafiyeen, ayaa lagu soo bandhigay sawirkii Salfie-ga ee ugu horreeyay taariikhda, kaas oo cimrigiisu uu gaarayo 180 sano.

Shabakadda CNN ee dalka Mareykanka ka soo baxda ayaa sheegtay in mutxaf ku takhasusay sawirrada uu sanadkii 2013  sheegay iney jirto sawir uu ku tilmaamay inuu yahay daahroggii sanadka, kaas oo dadka tusiyey in shaqsi uu iska qaadi karo sawir kaligii, sawirkaas oo ku kaydsan laguna hayo maktabadda congress-ka Mareykanka.

Mutxafkan ayaa caddeeyay in sawirka uu iska leeyahay qof lagu magacaabi jiray Robert Cornelius, oo ka mid ahaa dadkii aadka u jeclaa sawirka fotogarafarka ah, waxa uu ku noolaa gobolka Filadfiya, gudaha Mareykanka.

Sawirkan ayuu iska qaaday sanadkii 1839, waxaana uu iskaga qaday dhanka dambe ee xarun gacansi oo qoyskiisu uu iska lahaa.

Xilligaa sawirka uu iskaga qaaday waxa uu kaashaday qalab la yiraahdo daguerrotypy oo markaa dunida ku cusbaa.

Cornelius markii uu sawirka iska qaadayay si uu iftiinka u saxo waxey ku qaadatay 3 ilaa 15 daqiiqo, muddo dheer ayuuna iftiinku shidnaa si uu sawirkaa selfie -ga ah iskaga qaado.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close