Uncategorized

Xaaskiisa oo Uur U Leh Ayuu Ka Tuuray Waadi Dhulka Ka Hooseeya 34 Mitir… Kadib “Mucjiso Ayaa Dhacday” (Muuqaal)


Booliska Thailand waxey qabteen ganacsade Shiineys ah oo lagu tuhunsan yahay isku day dil oo uu doonayey inuu ku khaarajiyo xaaskiisa, safar dalxiis oo dalkaa ay ku wada joogeen, waxa uu ka tuuray waadi dheer oo dhulka ka hooseeya 34 mitir.

Sida ay qoreen warbaahinta Thailand, ninkan Shiineyska ah waxa uu damcay inuu dilo xaaskiisa oo u lahayd uur saddex bilood ah, si uu u dhaxlo oo uu ugu haro hanta dhan 3.2 milayn oo dolar oo ay lahayd.

Booliska waxey caddeeyeen in “Yuu Shiyaw Dong” oo 33 jir ah in la qabtay, hadana uu waajahayo tuhun ah inuu xaaskiisa Wang Nag oo (32 jir ah) uu khaarajiyo.

Waadiga uu ka tuuray waxa uu dhulka ka hooseeyaa 34 mitir, laakiin nasiib wnaaag, waxey ku dhacday caleemo adag inta aaney dhulka gaarin, haddii ay dhulka si toos ah ugu dhici lahayd naf laguma gaareen.

Haweenayda waxaa soo gaaray dhaawacyo iyo jab dhanka lafaha ah, laakiin uurkeedu wuu u badbaaday xaaladdiisuna ay wanaagsan tahay sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Mucjisadaa ay haweenaydu ku badbaadday kadib, waxaa warqad lagu qabanayo loo jaray ninkeeda doonayey inuu damac dartii ku dilo.

Haweenayda dhacdadan ka badbaadday waxey sheegtay in ninkeedu uu si ula kac ah uga tuuray waadiga, waxa uu u haystay in marka ay sidaa u dhimato aan xaalkiisa laga shakin doonin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close