Uncategorized

Maalqabeennada Adduunka.. Qofkii Saddexaad oo Ku Biiray Naadiga Dadka Hantidoodu Kor u Dhaaftay 100-billion oo Dolar (Muuqaal)


Bilinear-ka reer Faransa ee Bernard Arnault oo ah ninka ugu taajirsan Yurub ayaa ku biiray liis maalqabeennadda hantidoodu ay kor u dhaaftay 100-bilyan oo doolar, waxaa ka horreeya Jeffrey Bezos oo ah milkiilaha Amazon iyo Bill Gates oo ah milkiilaha shirkadda Microsoft.

Arnault oo 70 jir ah ayaa liiskan ku biiray, Isniintii, , kadib markii ay hantidiisu korortay ku dhawaad 32 biliion oo doolar sanadkan, waa sida uu sheegay Bloomberg.

Hantida billioneirkan Faransiiska ah oo ah milkiilaha shirkadda “LVHM”, oo sidoo kalena leh saamiga ugu badan ee  shirkadda Christian Dior 97%, hadda hantidiisu waxey gaartay 100.4-billion oo dolar, waa in u dhiganta 3% dhaqaalaha guud ee dalka Faransiisku.

Ganacsadahan aabbihii maalqabeen ayuu ahaa, markii uu dhammeystay dugsiga sare  waxa uu ku biiray prestigious Ecole Polytechnique, waxaana uu ka qaatay shahaadada injineerka, kadib markii uu ka qalinjabiyey waxa uu ku biiray shaqadii aabbihii isagoo injineer ku shaqa bilaabay, halka sidoo kale uu ku fakaray inuu horumariyo shaqada aabihii.

Aabihii waxa uu ku qanciyey in habka ay shirkaddu u shaqeyso wax badan laga bedelo, isla markaana xoogga la saaro dhismayaasha horumarinta, arrintaas oo guulo waaweyn shirkadda u soo hooysay.

Shirkaddii waxa uu kusoo kordhiyay shirkado cusub, sida; Christian Dior, Le Bon Marche, labada shirkadoodna waxey ku midoobeen LVHM, Arnault shirkadda cusub si wanaagsan ayuu u maalgashaday waxaana uu noqday qofka ugu sarreeya milkyidda saamiga ugu bandanna leh.

Waxaa loo doortay madaxa guddiga maamulka shirkadda, jagadaa loo magacaabay ayuu ka bilaabay qorshaha ballaarinta oo shirkadda ka dhigtay mid ka mid noqota shirkadaha ugu waaweyn dunida ee ganacasiga sare ka shaqeysa.

Hantida Bill Gates sanadkan waxey korortay 35 billion oo dolar, halka Bezos uu khasaaray 40-billion oo kaga lumay furriinka xaaskiisa MacKenzie Bezos, iyagoo  taariikhda ku galay furriinkii ugu qaalisaanaa dunida, inta badan waa hanta mogdhow ahaan ay ku hashay haweydaa uu qabay, maadama ay kaalin weyn ku lahayd guulihii uu gacansiga ka gaaray.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close