Uncategorized

7 Dhalinyaro ah oo Farxad Aroos u Bedeshay Xasuus Xanuun Badan oo Ma Hadho Noqotay (Muuqaal)


Booliska Ingiriiska ee magaalada Manchester ayaa faafiyey muuqaal video ah oo ay ka dhex muuqanayaan xad gudub bahalnimo ah oo ay la kulmeen qoys ku dabbaaldagayay wadada magaalada oo ku faraxsanaa arooska waqtigiisu u soo dhawaaday oo wiil qoyska ka tirsan loo abaabulayey.

Iyadoo ay jirto in xadgudubkani uu dhacay April tii hore, ayaa hadana boolisku ay faafiyeen muuqaalka dhawaan si loo helo cid garan karta kooxdaa shuftada ah, waa sida uu sheegay Sky News, Sabtidii.

Muuqaalka ayaa waxa laga arkayaa 7 wiil oo dhalinyaro ah oo feer iyo haraanti la dhacaya 5 haween iyo rag iskugu jira oo qoys ka soo wada jeeda, kuwaas oo ku heesayey heesta xaflad aroos oo la sugayey iyagoo xilligaa marayey waddo ku taalla magaalad Manchester, kadib markii ay ka soo baxeen xarun ay ku caweynayeen.

Wiilshan dhalinyarada ah ayaa waxey feer iyo haraanti kala daaleen xubinihii qoyska ee wada socday, waxeyse si aad ah u garaaceen labo qof oo ka mid ahaa qoyska oo markii dambe miyir daboolmay, halka xubnihii kale ee qoyska ay isku dayeen iney difaacaan laakiin ay awoodi kari waayeen.

Boolisku waxey sheegeen in faraxaddii qoyska ay isku bedeshay xasuus xanuun badan, iyadoo ay sababtu tahay xad gudubka lagu sameeyay ee aan sababtiisa la garaneyn.

Qof ka mid ah dhibanayaasha maskaxda ayaa dhiig uga furmay, halka kuwo kale ay maskaxda dhibaato ka soo gaartay, lafahana ay ka jabeen, halka sidoo kale; dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen xubnaha qoyska.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close