Uncategorized

Sideed Ku Noqon Kartaa Gabar Soojiidasho Badan oo Asaageed Wax Dheer(Muuqaal)


Gabadha soo-jiidashada badan waa gabar nolosha ku guuleysatay, taas oo ay u suurtagashay iney nolosheeda si wanaagsan u maareyso, waxaa u hirgalay  iney barato culuumta nolosha oo ay la kaashato khibradaha iyo tijaabooyinkeeda nolosha, waa shaqsiyad aqoon yahan ah oo geed kasta ubax ka goosatay, sifo kasta oo wanaagsanna leh. Laakiin si aad ku noqoto gabar soojiidasho badan naftaada iyo dadka kale indhahooda, waa in tallaabooyinka aad raacod;

-Kalsoonida aad naftaada ku qabto waa furaha albaab kasta, waa sirta dad kale aad ku soo jiidan karto.

-Dhoollacaddeynta waa sir ka mid ah siraha dad kale lagu soo jiito, ku darso oo ogow iney tahay sadaqo lagaa ajar siinayo.

-Ha iska dhigdhigin qof kale oo sida ay tahay naftaadu u noolow, si dad kale aad u cajabgeliso.

-Nadaafadaada shaqsiga ah iyo caraftu waa labo sirood oo muhiim ah oo ka mid ah siraha soo jiidashada, ilaasho nadaafadda jirkaaga, dharkaaga iyo ilkahaaga.

-Dharka nidaamsan aragtida ayuu soojiitaa, muhiim ma ah in dharkaagu uu qaali yahay, laakiin waxaa muhiim ah inaad taqaanno munaasabadaha aad ka qeybgaleyso dharka aad u xiraneyso aadna aad uga fiirsato, arrintaasi dad kale ayey kuusoo jiidaneysaa.

-Quruxda naftaada iyo jacaylka aad dadka kale u qabto iyo naftaada wanaagsan waa sababo kale oo muhiim ah oo kuu soo jiidda dadka kugu hareeraysan sida birqabatada oo kale.

-Sumacadaada wanaagsan iyo taariikh nololeedkaaga fiican, waxey kaa dhigaan inaad tahay qof diintiisa iyo dhaqankiisa wanaagsan haysta, waxey ka dhigtaa in dadka kugu hareeysan ay kuu soo jiiddo.

-Ku dadaal inaadan dadka kale dhibaateyn, dareenkooda ha waxyeelleyn, waa arrimo aad u muhiim ah oo dadka kale kuu soo jiidda.

-Ku dadaal caafimaadkaaga iyo bilicdaada jirka, qaado raashin caafimaad, ka fogow cunnooyinka fudfud, biyo kugu filanna cab.

-Si wanaagsan u seexo, in jirkaagu uu nasto waxey muhiim u tahay caafimaadkaaga, waxeyna si wanagsan u saameynaysaa quruxdaada.

-Sportska ciyaar si habsami leh si aad u hasho jir caafimaad qaba iyo caqli wanaagsan.

-Noqo qof ku raalli ah waxa Illaalahay uu u qoray ee risqi iyo qurux ah kuna qanac.

-naftaada horumari, waxbaro oo cilmiga ku dadaal; gabadha aqoonyahanka ah dadka ku hareeraysan si xoog leh ayey u soo jiidataa.

-Kibirka ka fogow, gabar ka qurux badan ma jirto midda tawaaduca badan.

-Beenta iska ilaali si kasta oo ay xaaladdu kugu adag tahay, ma jirto noocyo beenta ka mid ah oo la ogol yahay marka aan soo jiidashada ka hadleyno.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close