Uncategorized

6 Talo oo Ku Aaddan Dib u Kabsashada Haweenayda Carmalka Ah Si Ay Nolosheeda Dib Ugu Yegleesho (Muuqaal)

Haweenayda carmalka ah (Garoobka ah) waxey dareentaa in nolosha oo dhani ay ku soo koobmatay, markaas ayaa waxaa u bilowda murugo iyo niyad-jab, shaqadaa ku adkaata, saaxiibbada iney la kulanto ayaa ku cuslaada, sidaa darteed; waxaa waajib ah iney raacdo talooyinka qaar oo ka garabsiinaya iney dib u yagleesho nolosheeda, taas oo aan ku baraneyno sadaradan soo aaddan, waa sida uu qoray website-ka “marriage”.

Talooyin ku aaddan haweenayda carmalka ah:

-Haweenayda waqti badan ayey ku qaadataa iney ka kabsato furriinka, sidaa darteed; waxaa lagu talinayaa iney safar ku gaarto goobaha qaar oo aad ay u jeceshahay una xiisayso, halkaas oo aaney ku dareemayn wixii horey ugu soo dhacay ama ay isku daydo iney waddamo cusub u safarto si ay  waaya aragnimo uga soo kororsato una nafsito.

-Waxaa waajib ah iney la tashato dadka sharci yaqaanka ah ee sida wanaagsan u yaqaanna shuruucda qoyska si ay u hesho xaqeeda oo dhammeystiran iyadoon wax mashaakil ah qoorta la gelin.

-Waxaa halkan lagu talinayaa in haweenaydu ay isku filaanshiyo maaliyadeed gaarto, sida; iney raadsato shaqo ay nolol maalmeedkeeda ka dabarato intii ay qoys kale dulsaar ku noqon lahayd.

-Haddii caruur ay haysato waxaa habboon inaaney aabahood ku aflagaadeyn  ama aaney dareensiin in nolosha ay wax iska bedeleen, isla markaana aaney isku dayin iney caruurta ka horistaagto iney aabahood arkaan.

-Waxaa waajib ah in haweenaydu isku daydo iney ka feejignaato fikirka taban ee aan wanaagsan oo ay ogaato in furriinku aanuu ahayn gabagabadii dunida, wixii dhacay waa iney u qaadato inuu ka dhashay doorashadii aaney markeedii horeba ka fiirsan, waa iney nafteeda siiso fursad labaad oo mar kale ay ku guursan karto qof ku habboon oo duruufaha ay ku jirto fahmi kara.

-Waxaa waajib ah iney daryeesho muuqaalka nafteeda, waa iney booqato beeraha loo dalxiiska tago saaxiibadeedna ay isku daydo iney la kulanto, arrimahaas oo xaaladeeda nafsi ahaaneed hagaajinaya si wanaagsan.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close