arrimaha bulshadaUncategorizedWararka

Qiimo Dhaca Soomaalida.. Maxkamadda Riyaad oo Erayga “Soomaaliyad” u Aqoonsatay Mid Cunsuri Ah oo Qofkii Lagu Tilmaamo Magdhow La Siiyo!(Muuqaal)


Waxa uu ku caayey Soomaaliyad, waxaana lagu xukumay eray cunsuriyad leh oo qofkii ku dhawaaqa lagu ciqaabo, sidaa darteed; xukun ayaa lagu riday.

Maxkamadda Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa soo saartay xukun kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale oo ay riddo, muwaadin Sucuudiyaan ayaa lagu xukumay kadib markii ay haweenay Sucuudiyaan ah ay ku soo oogtay dacwad, maadama uu ku tilmaamay iney tahay (Soomaaliyad), qoraal ay dhanka Twitter-ka soo dhigtay.

Eedeeysanahan waxaa lagu riday xukun ganaax lacageed oo 3 kun oo riyaal ah, waxaana lagu khasbay inuu ka cudur-daarto muwaadinadda Rowda al-Yusuf uu sida badheedhaka ah ugu ku gafay!

Falcelinta dhacdadan

Laakiin dhacdadani waxey dhalisay guux farabadan dad xukunka taageersan iyo kuwo kale oo ka soo horjeeda oo diiddan in erayga Soomaaliya uu noqdo mid cunsuriyadda loo aqoonsado,,,

Muwaadin Sucuudiyaaan ah oo la yiraahdo Suldaan al-Caamir ayaa waxa uu yiri, haddii walaadada Soomaaliyeed ay Sucuudiga soo gaaraan, oo qofi uu weydiiyo jinsiyadooda, ha iska jiraan iney Soomaaliya yiraahdaan maadama uu erayaasi noqday mid cunsiriyadeed oo dhanka Sucuudiga maxkamad lagu soo taagi karo.

Qof kale oo dhacdadan ka falceliyay ayaa soo qoray, Qofkii gabadhaa ku tilmaamay Soomaaliyad waa cunsuri maxaa yeelay; si khaldan ayuu u isticmaalay, tii ku dacweysayna waa cunsuriyad kale maxaa yeelay; waxey u qaadatay inuu ku bahdilayo, garsoorihii maxkamadduna waa cunsuri maxaa yeelay; Soomaaliyad ayuu u qaatay inuu yahay eray cunsuriyadeed oo ay waajib ah in lagu ciqaabo qofkii adeegsaday.

Muwaadin kale ayaa waxa uu soo qoray, haddii uu yiraahdo Soomaaliyad-yahey oo uu ula jeedo inuu ku bahdilo waxa uu noqonayaa eray cunsuriyadeed.

Cabdalla ayaa waxa uu soo qoray, Xukunka ayaaba cunsuriyad ah lagu bahdilayo Soomaaliya, maxaa erayga Soomaaliya cunsuri ka dhigay la isku ciqaabo maxkamadaha Sucuudiga?

Xukunkani siduu Adiga kuula muuqdaa?

Goobjoog Edu

Related Articles

Close