Uncategorized

Astaamaha Ay Leedahay ee Lagu Garto Dhammeys Dumar ee “strong independent woman” (Muuqaal)


Inaad la mucaamisho qof fikirka ka qaanqaaray waa arrimaha loogu jecel yahay, sidaas oo kale raggu waxey aad u xiiseeyaan iney xiriir la sameeyaan haweenay fikirka ka bisilaatay, waxey la gaar tahay astaamo u goonni ah oo ay dumarka kale kaga duwan tahay, bislaanshiyaha dhanka fikirka kuma xirna da’, hadaba sadaradan soo aaddan waxaan idiinku soo gudbineynaa astaamaha lagu garto in haweenaydu ay dhanka fikirka ka bislaatay ama ay tahay haweenay awood badan oo nafteeda iyo nolosheeda ka adag (strong independent woman), waa sida uu qoray websiteka Family Share.

-Waa qof Mas’uul ah

Haweenayda fikirka ka bislaatay waa qof mas’uuliyad qaadi karta oo geesi ah, awood u leh iney khaladaadkeeda qirato, arrintan waxey kaga duwan tahay asaageeda kale ee aan weli caqliga ka bislaan oo inta badan fashilkooda dadka kale ku eedeeya.

-Wey daggan tahay oo ma fud fududa

In haweenaydu ay xasilloonideeda ilaashato waa calaamad muujineysa kartideeda iyo bislaashiyaheeda dhanka fikirka, gaar ahaan xilliyada ay dhibaatadu jirto, arrintaasi waxey u baahan tahay xirfad sare, maxaa yeelay; is xakameynta iyo sugnaanshiyaha waxey u baahan tahay dadaal badan iyo samir dheeraad ah.

-Waa qof waaqici ah oo khiyaali aan ku nooleyn

Haweenayda fikirka ka bislaatay fikirkeeda iyo yididiiladeedu kuma xidhna arrimo aan la gaari Karin, laakiin inta badan waxey jeceshahay iney waaqici noqoto si ay howlaha u taalla u gudato si nidaamsan.

-Laalaabka ma taqaanno

Haweenayda fikir ahaan bislaatay waxwalba oo nolosheeda ka mid ah waa mid weygiisa iyo waddo loogu soo hagaago leh, bilowga hore waxey ilaalisaa ballamaha ay dadka kale la gasho oo aaney marnaba ka bixin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close