Uncategorized

Nin Xayawaanka Dhaqda oo Deriskiisa Kaga Yaabiyey Codsi Ay Ka Argagaxeen (Muuqaal)


Codsi waxa ugu yar ee lagu tilmaami karaa uu yahay mid yaab badan, ayaa qof barbaarinta xaywaanka jecel uu ka dalbaday jiiraankiisa iney u ogolaadaan inuu laba libaax ku korsado barxadda dambe ee gurigiisa oo ku yaalla Nottinghamshire ee gudaha dalka Ingiriiska.

Reece Oliver, 28 jir ah, ayaa deriskiisa kaga careysiiyay codsiga ah in uu labo libaax gurigiisa ku  dhex korsado, derisku aadbay uga caroodeen codsigiisa maadama uu libaaxu yahay xaywaan laga baqo.

Oliver, waxa uu doonayaa inuu gurigiisa ku dhex korsado laba libaax oo min 7 bilood jir ah oo lakal yiraahdo Roki iyo Rowra, oo uu korsanayey laga soo bilaabo bishii February oo dalka Jeeg republic uu ka keen saday.

Libaaxa oo asal ahaan dalka Afrika laga soo dhoofiyey ayaa waxey ku nool yihiin qeybta dambe ee guriga Roys.

Dadkii deegaanka ee Roys deriska la ahaa codsigiisa aad ayey uga hor yimaaddeen, guddiga madaxda ka ah deegaanka dadkii deriska la ahaa waxey kula taliyeen iney arrintan ka soo horjeestaan,Rays ayaa haddii ay deriskiisku ka soo horjeystaan oo ay isku raacaan inaan libaaxyada agtooda lagu korin, waxaa suurtaggal ah in libaaxyadan lagala wareego oo dowladdu ay la wareegto, maadama libaaxa dabeecaddiisu ay tahay ugaarsi, xilli kastana uu dadka deegaanka khatar ku yahay, dabeecadda deegaankoodana aanuu munaasab ku ahayn.

Guddiga deegaanka ayaa ka codsaday Rays inuu warqad aqbalaad ah kala yimaaddo deriskiisa oo rayi’gooda la tixgelin doono, kadibna codsigiisa si gaar ah loo eegi doono in loo ogolaado in libaaxyadu ay gurigiisa kusii noolaanayaan iyo in kale.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close