Uncategorized

Waa Kuma Ninkan Ku Dhex Jira ee La Sawiran Xaasaska Hoggaamiyeyaasha Adduunka ee G20 ee Ku Shirsan Dalka Japan?


Waxaa aad loola yaabay sawir lagu qaaday magaalada Oskaana ee dalka Japan, sawirkan waxaa isla galay marwooyinka koowaad ee madaxda  dalalka G 20, kadib markii uu sawirka kazoo dhex muuqday  nin garab taaggan oo marwooyinka la sawiran.

Waxaase caddaatay in ninkaasi yahay, Philip May oo (61-jir ah) oo ah ninka ay u dhaxday ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May, aad ayuu u labisnaa waxaana uu u muuqday inuu si waaagsan u soo diyaar garoobay.

Sawirkan ayaa marwooyinku ay ku galeen macbadka Tofuku-ji ee magaalada Kyoto, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail.

Sawirka waxaa ka maqneyd marwada Koowaad ee dalka Mareykanka ee Melanie Tramp(49-jir ah)

Ra,iisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa shirka hogaamiyeyaasha dunida furay, shirkan ayaa waxaa la filayaa iney ka dhacaan dodo adag oo ku saabsan gacansiga iyo isbedelka cimillada.

Jawiga shirku waxa uu ku bilowday jawi yididiilo leh daqiiqadihii koowaad, waxaana qosol iyo is marxabbeysiin laga dareemayay wejiyada hoggamiyeyaasha xilligii ay sawirka wada galayeen, iyadoo uu shirku si rasmi ah u furmay Jimcihii.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close