Uncategorized

Maxey Tahay Sheekada Ka Dambeysa Koobka uu Goonnida u Wato Madaxweyne Putin.. Ma Waxa uu Ka Baqayaa In la Sumeeyo? (Muuqaal)


Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ma waxa uu ka baqayaa in la sumeeyo, mise wixii dhacay waxey ahaayeen wax iska caadi ah marka aan u qaadanno inuu yahay madaxweyne shaaha jecel?

Madaxweyne Putin waxa uu dood badan ka dhaliyey baraha bulshada kadib markii uu kob u gaar ah usoo qaatay casho sharaf loo sameeyay habeennimadii  Jimcaha, dhammaadkii maalintii koowaad ee shirka G20, arrintan oo dood badan ka dhalisay dadka internetka , laakii waxaa si dhaqsiyo leh uga jawaabay Kirimilinka Ruushka.

Waxaa la duubay muuqaalka madaxweynaha Ruushka  oo shaaha ku cabbaya koobkiisa gaarka ah, waxa uu ku cabbayay koob dhoobo ah oo gaar u ah, halka hoggaamiyeyaashii kale ay isticmalaayeen koobab kalaasik ah ooah  kuwii cashada loogu talogalay.

 Faahfaahinta, waxaa telefishinnada adduunka laga daawaday muuqaalka madaxweynaha Ruushka Butin oo sare u qaadaya koobkiisa shaaha ah isagoo u baaqay madaxweynaha Mareykanka oo xoogaa ka yara dheeraa, labadooda waxaa u dhaxeeyay Ra’iisul-wasaaraha Japan Shinzo Abe oo waddankiisu uu shirka martigelinayo.

Sawirkan ayaa si dhakhsiyo ah ugu faafay baraha bulshada, aadna ay wax isaga weydiiyeen dadka baraha adeegsada, oo  dhacdada u falqeeyay un aqaadaa dhigay si xoog leh, qaarkood waxeyba ku doodayeen in madaxweynaha uu ka baqayo in la sumeeo, laakiin sawirkani ma ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah, koobkan uu ku xardhan yahay astaanta ciidanka xoogga Ruushka , ayaa madaxweynuhu uu adeegdasay isbuucii hore, xilli uu jeedineyay khudbaddiisa sanad laha ahays ee  telefishinka uu dadka Ruushka kala hadlo, waa sida ay sheegtay wakaaladda AFP.

Arrintan ayaa waxaa si dhaqsiyo ah uga jawaabay aqalka looga arrimiyo dalka Ruushka ee Kirimilin, afhayeen u hadlay aqalkaas oo la yiraahdo Dimitri Biykoof ayaa sheegay in madaxweynuhu uu koobkaas uu si joogta ah uu shaaha ugu cabbo oo koobabka kale aanuu jecleyn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close