Uncategorized

Sida Loola Dhaqmo Lamaanaha Milicsiga Badan ee Dumarka Kale Indhaha La Raacraaca (Muuqaal)


Waxaa jira haween badan oo aad ugu dhibaatooda in lamaanahoodu uu dumar eeg badan oo tii wadada mareysaba aanuu araggiisa ka leexineyn, waana sababta ugu badan ee khilaafka dhalisa guryo badanna ay ku burburaan, marka ay lamaanuhu ay fasax wada aadaaan oo meelo ay dadku iskugu yimaaddaan ay u dalxiis tagaan, waxaa dhacda marka la soo laabto in dagaal iyo faruuryo qaniinsi badan uu dhaco, hadaba si dhibaatadaa aad uga fogaato oo wax mushikad ah aadan u dareemin naftaadana aadan u dhibaateyn,  raac talooyinkan uu soo jeedinayo websiteka Family Share.

  1. Ha Cadhoon

Haddii aad ku aragto inuu dumar kale eegayo, isku day inaad is dajiso, marwalba isku day inaad dareenkaaga xakameyso si aadan ugu fadeexoobin dadka kale hortooda, haddii aad carooto dhibaato unbaad sii korosaneysaa, marka aad guriga wada aaddan si daggan ugala dood arrinta.

  • Haddii Aan sidaa sameyn Lahaa

Haddii lamaanahaaga aad ku aragto inuu kuwo kale isha la raacraacayo weydii su’aashan maxaad sameyn lahayd haddii aad booskayga joogto? Maxaad sameyn lahayd haddii aad i aragto anigoo rag kale eegaya? Arrinaasi  waxey ka dhigeysaa inuu qirto in waxa uu ku dhaqmayaa uu ku dhibay oo uu dareenkaaga waxyeeleyay.

  • Naftaada daryeel

Lamaanahaagu inuu dumarka kale milicsado waxaad uga joojin kartaa inaad adugu noqoto qof soo jiidasho badan, quruxdaada, nadaafaddaada iyo jalaqsanaantaada ku dadaal, arrinaasi waxey dareensiineysaa muhiimadda shaqsi ahaaneed ee uu leeyahay cid kalena inuu milicsado wey adkaaneysaa.

  • Dareensii Jacaylka aad u hayso

Si mushkiladdaa aad u xalliso waa inaad lamaanahaaga dareensiiso inaad jeceshahay, adigoo u muujinaya jacaylka iyo kalgaceylka aad u hayso, xilliyada qaar waxaa lama filaan uga dhigi kartaa casho romantig ah oo shumacyo badan, si jawiga aad u wada bedelataan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close