Uncategorized

Daraasad Cusub oo Daahrogtay Cayayaan Guriga Inagula Nool oo Ay Adag Tahay In La Dilo (Muuqaal)


Daraasad cusub oo la sameeyay dhawaan ayaa daahrogtay inuu jiro cayayaan guriga inagula nool oo aaney suurtaggal ahayn in lagu dagaallamo suntan cayaanka, sababtana waa la qabsiga ay maaddooyinkaa jirkeedu la qabsaday oo aaney waxba ka tareyn.

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Bordo ee gudaha Mareykan, ayaa ogaaday in qeyb ka mid ah baranbarada nooca jarlmalka oo ah nooca ugu badan ee laga helo gudaha UK, ay suurtaggal tahay in genetics keeda ay ku tallaasho caruuteed, waa sida ay qortay jariidada The Sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Maykal Sharuf, oo ka mid ah khubaradii daraasaddan sameysay ayaa waxa uu yiri: “Wax fikir ah kama aanan haysan in arrintani ay dhici karto”, waxaana uu ka digay in adkeysiga ay baranbaradu u yeelato suntan cayaanka ay tahay jirkeeda oo la qabsaday, arrintaas oo ka dhigaysa mid ay adag tahay in lagula dagaallamo suntan cayaanka ee suuqyada taalla.

Sharuf, waxa uu tilmaamay in baranbaradani ay khatar ku tahay caafimaadka, maaadam ay xambaarsan tahay bakteeriyo farabadan oo ay ka mid tahay “al-Ekolay” iyo “al-Samalmonila”, kuwaas oo suurtaggal ay tahay in laga qaado cudurro loo dhinto.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey in saxaradeeda laga qaado cudurka asthma, xasaasiyadda, iyo caruurta in koritaanku uu ka xumaado oo ay baranbaradani sabab u noqoto.

Baranbarada nooca Jarmalka ayaa laga heli karaa daafaha kala duwan ee dunida, halka dhadigga baranbaradu uu awood u leeyahay inuu dhalo tobonaan kale dhowrkii biloodba mar.

Cilmibaaryaasha daraasaddan sameeyay ayaa tilmaamaya iney adeegsadeen 3 nooc oo biifbaaf ah oo noocyo kala duwan oo baranbarooyin ah ay u adeegsadeen daafaha kala duwan ee dalka Mareykanka, laakiin ay ogaadeen in nooc kaliya oo la isticmaalo ay marwalba fiican tahay inta aad kala bedeli lahayd sunta aad u adeegsaneyso.

Si kastaba, Cilmibaaryaashu waxey aaminsan yihiin in siyaabaha ugu muhiimsan ee mustaqbal looga badbaadi karo aafooyinku ay yihiin in nadaafadda si guud loogu dadaalo oo aan marnaba la dayicin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close