Uncategorized

Abeeso Dad Cun Ah oo Baxsatay iyo Baaritaannadii Lagu Baadigoobayey oo Weli Socda (Muuqaal)


Dadka ku dhaqan magaalada Cambridge  ee waqooyiga caasimadda Ingiriiska, ayaa waxey ku nool yihiin jawi argagax badan, kadib markii la ogeysiiyay iney soo baxsatay abeeso weyn oo nooca dad cunka ah oo dhirirkeedu gaarayo 2.7 Mitir.

In kasta oo Jiir, bakaylaha, eyda iyo bisadahuh ay yihiin ugaarta ugu horreeysa ee ay abeesooyinku tixgeliyaan ayaa hadana la tilmaamayaa in abeesadan aaney waxba la ahayn iney afka u kala furato qof aadane ah oo ay liqdo.

Abeesadan ayaa la arkay iyadoo socota meel u dhow wadad Lofil ee gudaha Kambirij, saacadihii hore ee Subaxnimadii Axadda, laakiin booliska uma aaney suurtaggelin iney qabtaan.

Khabiir dhanka xamataarada ku takhasusay oo ka mid ah dadka daggan Kambirij, Istiif Alan, ayaa tilmaamay iney sahlan tahay in abeesada la qabto jiilaalka marka loo barbardhigo xagaaga, maadama ay abeesooyinku aad u soo baxaan oo ay raadsadaan goobo ay kulaashadaan sida matoorada gawaadhida oo kale.

Abeesadan oo kale,ayaa haweenay ku luqday gudaha Indonesia sanadkii hore, laakiin, Istiif Alan, dadka wuu u niyad qaboojinayaan, waxa uu sheegay in abeesadan kambirij  ka baxsatan inaan laga cabsi qabin in dhibaatadaa mid la mid ah ay geysato.

Abeesooyinka nooca shabakadda la yiraahdo waa kuwa ugu dheer adduunka, halka rasmi ahaan laga helo waa bariga Asia, abeesadan ayaa kori karta ilaa ay ka gaarto 9-mitir, halka aaney sunba lahayn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close