Uncategorized

Sida Lamaanahaaga Loogu Muujiyo Daneynta iyo Jacaylka Aad u Hayso (Muuqaal)


Jacaylku waxa uu u baahan yahay in marwalba ficil lagu muujiyo oo erayo macaan badan oo la is dhaafsado un aanuu noqon sida heesaha iyo ruwaaday aan ku daawanno oo kale, waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo sida xiriirka lagu xoojin lahaa oo waqti dheer uu ugu sii socon lahaa, hadaba, munaasabadda maalinta erayga (Waan Ku Jeclahay) darteed, waxaan baraneyna wadooyinka jacaylka loogu caddeeyo qofka aad jeceshay, waa sida uu qoray websiteka “Dating.Lovetoknow”.

Sideed ugu caddeyn kartaa Jacaylka aad lamaanahaaga u qabto.

-Qof walbaa waxa uu leeyahay wadadiisa gaarka ah oo uu jacaylka ku muujiyo, laakiin waxaa muhiim ah in lamaanahaaga uu dareemo inaad si dhab ah u jeceshay.

-Waxaa habboon inaad dhinaca kale u sheegato jacaylkaaga, haddii aad farriin u sii mariso mobile-ka, gmailka, arrintaas oo farxadgelineysa uuna hubsanayo inaad si dhab ah u jeceshahay.

– Waa inaad ku celceliso weedhaha quruxda badan ee dhinaca kale u muujinaya inuu muhiim ku yahay noloshaada, oo uu u baahan yahay inuu had iyo jeer kaa maqlo.

-Halkan waxaa lagu talinayaa in lamaanahaaga shaqada guriga aad kala qeybqaadato, gaar ahaan waqtiga uu daalku jiro, arrintaas oo dareensiineysa jacaylka iyo daneynta aad u hayso.

-Talooyinkii aan soo sheegnay waxaa raacsiisan, waxaa waajib ah inaad diyaariso cunnooyinka uu lamaanahaagu jecel yahay, si uu u dareemo in marwalba aad la socoto oo aad xasuusan tahay.

-Waxaa waajib ah inaad lamaanahaaga ku garabsiiso shaqadiisa oo aad ku dhiirrigeliso si uu horumar joogto ah u sameyn lahaa.

-Waxaa wanaagsan inaad waqti gaar ah wada qaadataan oo aad casho u wada baxdaan ama aad aaddaan goobo romantig ah oo soojiidasho badan, arrintaas oo aad ka helaysaan jawi bedelasho aad u wanaagsan.

-Waxaa waajib ah inaad dhageysato mashaakilka maalin laha ah ee lamaanahaaga, arrintaas oo ka dhigaysa inuu dareemo inuu qof muhiim ah ku yahay noloshaada.

-In hadiyado la isku geeyo waqtiyo kala duwan, gaar ahaan hadiyadaha uu lamaanahaagu jecel yahay, arrintaas oo ka dhigaysa in xiriirku uu guuleysto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close