Uncategorized

Haddii aad Jeceshahay Qoraalka Sheekooyinka Iyo Ruwaayadaha Gaagaaban .. Raac Tallaabooyinkan Si Aad Naftaada u Horumariso (Muuqaal)


Qof kastaa waxa uu leeyahay hibo u gaar ah oo uu dadka kale kaga duwan yahay, laakiin dadka qaar ayaa u baahan in farta loogu fiiqo tallaabada koowaad si ay naftooda u horumariyaan, gaar ahaan qofka doonaya inuu naftiisa ka horumariyo dhanka qoraalka sheekooyinka gaagaaban, hadaba; si aad ugu baarugto tallaabooyinka koowaad ee sheeko qorista raac talooyinkan uu soo gudbinayo website-ka WikiHow, waana sidan :

  1. Fikaradda Guud meel ku soo wada uruuri

Xilli kasta ayaa fikrad kugu soo dhalan kartaa, sidaa darteed; marwalba wado xasuus qor yar oo jeebkaaga kuugu jira meel kasta oo aad aaddo; si ay u awooddo inaad diiwaan geliso fikrad kasta iyo qiso kasta oo xilli walba kugu soo dhici karta.

  • Ka fakar gundhigga sheekada

Marka aad fikradaada doorato, waa inaad xulato aasaasiyaadka sheekada inta aadan qorin ka hor, waa in tallaabooyinka ay sheekadu ku soconeyso sii og tahay; sida inaad horudhac u sameyso, dhacdooyinka, halka ugu sarreysa ee sheekada, ugu dambeyn gabagabo.

  • Shaqsiyaadka sheekada ku jira astaamaha ay leeyihiin xadid oo sheeg

Waa in sheekadaadu u eekaato mid waaqica u dhow, si ay dadku u rumeystaan, waa inaad sameyso xilliyada qaar oo ay sheekada soo dhex geliso shaqsiyaad ay dadku yaqaannaan si ay sheekada macno ugu sameeyaan,.

  • Xadid waqtiga ay sheekadu qaadaneyso

Waxaa suurtaggal ah in dhacdada sheekadaadu ay ku wareegto malaayiiin sano ka hor, oo ay dhinacyo badan soo hoos galayaan, dhacdooyin kala duwan iyo dad badan ay ka soo dhex muuqanayaan, sidaa darteed; sheekada gaaban dhacdooyin-keedu waa inaaney ka badnaan maalmo iyo daqiiqado, dhacdadu meel kaliya ayey ku dul wareegaysaa sida badan, looma baahana shaqsiyaad badan oo sheekada ay ku socoto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close