Uncategorized

Jacaylka Dhabta Ah Ma Duugoobo… Lamaane Si Kalgaceyl Leh Ugu Dabbaaldagay Sanadguuradii 60aad ee Guurkooda!(Muuqaal)


Jacaylka dhabta ah ma dhammaado, da’du ma saameyso, waqtiguna ma gudhiyo, jacaylka dhabta ah weligii wuu kula noolaadaa, xitaa haddii waqti badan aad calaf isku yeelataan lamaanahaaga, taa bedelkeeda wuu kordhaa, isagoo isku bedela nolol macaan badan oo kulmisa labo qof oo cajiib ah.

Jenjar iyo Jorge Brown waa lamaane dalka Mareykanka ka soo jeeda, waxey dhawaan u dabbaaldageen sanad guurada guurkooda ee 60aad, iyadoo wejiyadooda uu ka muuqdo waqtiga oo gabowgu uu taabtay.

Lamaanahan nolosha ku faraxsan waxey isla galeen sawirro xasuus ah, waxaa ka qaadday sawirrada gabadha ay awoowga iyo ayeeyada u yihiin ee Abiigel Ledik, oo ka soo jeedda gobolka New Jarsi ee dalka Mareykanka, waa sida uu qoray websiteka barnaamijka caanka ah ee subax-wanaagsan America.

Dadka barta Facebook isticmaala ayaa isla dhex marayay sawirada photo session(Foto Seshin) ah oo lamaanaha arooska ka dib laga qaado oo ay lamaanahani wada galeen, dadku waxey aad u ammaaneen quruxda iyo kalgaceylka sawirrada ka muuqda, lamaanaha waxey u muuqdaan kuwo aad u faraxsan, aadna isku jecel, iyadoo ay jirto iney sannooyin badan wada noolaayeen.

Ledik, sawirradan waxey qaadday 24 Juun, meel u dhow Studio gaar ah u ah ayey ku qaadday, waxaana goobjoog ahaa saaxiibadeeda ugu dhow  oo ka qeybqaadanayay hagaajinta daruuriyaadka sawirka lagama maarmaanka u ah sida; ubaxyada, cambuurka iyo suudhka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close