Uncategorized

Maxaa Ka Cusub Sheekada Baxsadkii Amiirad “Hayaa” Xaaska Xaakimka Dubai?.. Warbaahinta Dunidu Sidey Uga Hadleen(Muuqaal)


War markii hore ka soo shaac baxay dhanka baraha bulshada, laakiin ay markii dambe xaqiijiyeen jaraa’idka ugu waaweyn  dunida, ayaa ka waramaya Qisada Amiira Hayaa Bintu al-Xuseen , xaaska Xaakimka Dubai al-Sheekh Maxamed Binu Raashid, oo ay walaalo isku Aaaba ay yihiin boqorka Jordan Cabadalla Bin al- Xuseen, ayaa waxey ka baxsa Dubai iyadoo ay la socdaan laba caruur ah oo ay dhashay.

Amiira Hayaa, markii hore waxey u baxsatay dhanka Jarmalka oo waxey garab ka heshay dibluumaasi sare oo Jarmal ah, halka ay hadda ku sugan tahay Dalka Ingiriiska oo ay degtay qasri qiimihiisa lagu qiyaasay 85 milayan oo guniga istarliinka ah oo ay sanadkii hore iibsatay.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in Amiira Hayaa iyo ninkeeda Maxamed bin Raashid uu mid walbaa uu qabsaday looyar caan ah oo ku takhasusay arrimaha furriinka, si ay u bilaabaan dagaal khuseeya dhanka kharashaadka furriinka oo ay wada galayaan.

Warbaahintu waxey intaa raacineysaa, in Amiirad Haya ay qabsatay looyar caan ah oo la yiraahdo al-Baruna Shaklatoon, oo ah looyar si gaar ah ugu shaqeysa xubnaha boqortooyada, hadda ka hor waxey soo qabatay kiiska furriinka amiir Jarlis iyo Amiirad Diyaana, halka Sheekh Maxamed Binu Raashid uu qabsaday looyar Helan Ward oo ah looyar kale oo gudaha Ingiriiska caanka ah, iyadoo la filayo in liiska galdacwadeedkan si rasmi ah loo dhageysan doono 30 Luuliyo bishan aan hadda ku jirno.

Warkan waxa uu warbaahinta bulsahda ku jiray muddo 10 cisho dhaafsiisan, laakiin warbaahinta ugu waaweyn dunidu ma aaney baahin, sababtoo ah macluumaad badan oo aan laga hayn darteed.

Sheekada baxsadka Amiira Hayaa, waxey nasoo xasuusineysaa qiasada sheekha amiira Ladiifa, oo ah gabar uu dhalay Xaakimka Dubai ooxaas kale uu ka dhalay, oo isku dayday iney Imaaraatka ka baxsado iyadoo uu garabsiinayo dublumaasi Faransiis ah iyadoo si dhuumasho ah uga baxsatay dhanka badda waxey kusii jeedday India, laakiin ciidanka Ammaanka Imaaratka ayaa qabtay oo dib ugu soo celiyay Dubai, lama oga ilaa iyo hadda xaalkeedu halka uu ku dambeeyey.

Amiira Hayaa waxaa aqoonyahanad sare, waxey wax ku baratay gudaha Ingiriiska oo waxey ka qali jabisay jaamacadda Oxford, waxeyna ku fiican tahay farad fuulka oo ay sheekto iney ka heshay geesinimo iyo kalsooni.

Dagaalka ugu badan ayaa waxa uu ka dhici doonaa barbaarinta caruurta ay Xaakimka Dubai u dhashay oo ah wiil iyo gabar da’doodu u dhaxeyso 11 ilaa 9 jir.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close