Uncategorized

Ciqaabtiisa Usoo Degdegtay.. Aabbe Si Ula Kac Ah u Dilay Wiil Yar oo uu Dhalay (Muuqaal)


Nin lagu eedeeyay inuu dilay wiil yar oo naasnuug ah oo uu dhalay ayaa waxa uu la kulmay weerar uu ku soo qaaday qof ay warbaahintu ku sheegeen inuu ahaa adeerka ilmaha yar, kaas oo booliska ku kadiyay wareerka uu ku qaaday walaalkii.

Shabakadda CNN ayaa faafisay Jimcihii 5 July 2019, muuqaalka dhacdadan laga duubay oo laga arkayo ilbiriqsiyada aabaha wiilka dhalay oo la faaerayo, kadbi markii uu qirtay inuu si ula kac ah u dilay ilmihiisa yar.

Dhacdadan ayaa ka dhacday gudaha maxkamad ku taalla degmada Jibson gudaha gobolka Indiana ee dalka Mareykanka, muuqaalka ayaa laga arkayaa in boolisku ay soo kala dhex galeen si ay maxbuuska  jeebaysan ay u badbaadiyaan halka saddex nin oo booliska ka mid ah ay isku hareereeyeen  adeerka wiilka ilmaha yar oo la filayo in dambigaa uu galay lagu ciqaabo.

Joornaalka Newsweek ee dalka Mareykanka ka soo baxa ayaa sheegay in maxkamaddu ay xukun xabsi ah ku ridday Kuwen Buweyz oo 25 jir ah, kadib markii uu dilay wiil yar oo uu dhalay oo 11 bilood jir ahaa si ula kac ah.

Buwayz waxa uu maxkamadda ka dhex sheegay in wiilkiisa yar uu ka soo dhacay barkin xilli uu hurday madaxiisuna uu dhulka ku dhuftay oo sidaa uu ku dhintay, laakiin baaritaannadii caafimaad ee dhakhaatiirta dambi baarista ay sameeyeen lagu ogaaday in ilmahan yar si ula kac ah loo dilay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close