Uncategorized

Diiq Lagu Maxkamadeynayo Gudaha Faransiiska(Muuqaal)


Waxaa maxkamad horyaalla galdacwadeedka kan dhan diiq maxalli ah oo dariskiisa xilli hore hurdada ka toosiya subax walba gudaha Faransiiska.

Faahfaahinta sheekadan, haweenay da’ ah oo la yiraahdo Bayruun ayaa maxkamadda u gudbisay dacwad ka dhan ah diiq iyo haweenayda iska leh oo la yiraahdo Koorin Fiso, iyadoo sababtu ay tahay qeyladiisa oo subax walbana xilli hore hurdada ka toosisa, qareenka haweenaydan u doodaya ayaa waxa uu dalbanayaa in la siiyo lacago magdhow ah oo gaareysa 1000 (Kun) Euro, iyagoo doonaya in lacagtaa loo diro qoysaska badmaaxyada ee badda ku naf waayay.

Waxaa xusid mudan, in dhacdadani aaney ahayn mid ugub ah, xagaagii sanadkii 2017, ayaa haweenay waayeel ah ay goosatay iney xad u sameyso qeylada diiq subax walba hurdada ka toosiya, laakiin xiligaa qofkii diiqa iska lahaa waxaa lagu taageeray warqad furan oo ay saxiixeen in ka badan 155-kun oo qof oo taageero u muujiyay inaaney  dhib ku qabin qeylada diiqa.

Maxkamaddii diiqa qofkii la dacweeyay iyo kii dacweeyay midna ma xaadirin July 4, maadama ay dooddu ka taagan tahay deegaanku horta ma mid miyi ahbaa mise waa magaalo. Halka looyarka dacwad oogaha ay ku doodayso in deegaanku uu yahay mid magaalo u dhow, waa sida ay qortay jariidada “Monde“.

Waxaa la sugayaa in maxkamaddu ay go’aan ka gaarto qadiyaddan marka la gaaro 5 September ee soo aaddan.

Dadka digaaga dhaqda ayaa qadiyaddan si aad u dhow ula socda, iyagoo ka baqanaya in qadiyaddoodani ay dhibaato ku keento, halka duqa magaalada Jiiroondi ay soo jeedisay in cododka miyiga loo aqoonsado hanta qaran oo aan muran laga keeni Karin, soo jeedintaas oo ay dadku aad u soo dhaweeyeen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close