Uncategorized

Dhacdo Yaab Badan.. Dib Ayuu u Soo Laabtay Isagoo Lugihiisa Ku Socda Xilli Lagu Guda Jiro Qabanqaabada Aaaskiisa!(Muuqaal)


Qoys Mareykan ah ayaa waxaa lama filaan ku noqotay, in shaqsi qoyskooda ka mid ah uu dib ugu soo laabto, xilli ay ku jireen qabanqaabada iyo diyaarinta aaskiisa, waana markii si khaldan loo soo gaarsiiyey in wiilkoodu uu dhintay.

Dhacdadan ayaa waxey dhacday dhammaadkii bishii April, xilli booliska Shikaago (Chicago), ay heleen nin aan dhar wadan oo dhaawacyo daran ay ku yaallaan gaarina ku hoos jira, kadib waxey geeyeen isbitaalka Marison, waa sida ay sheegtay shabakadda NBC ee dalka Mareykanka laga leeyahay.

Booliska ayaa waxey gaarsiiyeen gabadhaha la dhashay Alfoonso Beynit inuu shil galay walaalkood hadana uu ku jiro isbitaalka, gabadhihii dhankiisa ayey u carareen si ay xaaladdiisa u hubsadaan.

Shaqaalihii isbitaalka ayaa u sheegay inaanuu wax rajo ah lahayn oo aan laga baqdin qabin inuu bugsado, in kastoo oo shaki uu ku jiray gabadhahan, ayaa hadana waxey ogolaadeen in laga joojiyo qalabkii noloshiisa lagu taageerayay ee Oksijiinka ahaa, waxaa loo bedelay qeyb kale oo uu ku dhintay saddex maalmood kadib.

Xilli janaasadiisa la diyaarinayo , ayaa Alfonso Bayniit uu kasoo dhex muuqday xaflad uu qabsaday mid ka mid ah saaxiibadii, kaas oo si degdeg ah ula xiriiray walaaladii, waxaana uu u sheegay in walaakood uu nool yahay isagana uu la joogo.

Alfonso waa uu sheegay inuu waddanka dibaddiisa ku maqnaa, isagoo aan qoyskiisa waxba ogoysiin ayuuna baxay.

Marka aan dib u milicsanno ninkii shilka galay waxaa markii dambe soo baxday in la yiraahdo Elisha Bariitman, waa 69 jir.

Labada qoys ee Benit iyo Baritman ayaa dawcad ku furay booliska Shikago iyo isbitaalka Merison, iyagoo ku tuhmaya iney shaqadooda ka gaabiyeen oo sidii ay xaqiiqadu ahayd ay marin habaabiyeen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close