Uncategorized

Lamaane Lithuania Kasoo Jeeda oo Sanadkii Labaad oo Xiriir Ah ku Guuleystay Koobka Adduunka ee “Xaas-xaambaarka”(Muuqaal)


Lamaane ka soo jeeda Latwaaniya ayaa ku guuleystay tartanka adduunka ee xaas xambaarka oo ka dhacay magaalada Sonkayaarfi ee gudaha Finland, tartan adag oo caqabado badan oo ay ka mid yihiin, orod, barkad biyo ku jiraan, laga gudbayo iyadoo ninku uu lamaantiisa xambaarsan yahay.

Koobka aduunka ee sanadkan waxaa ku guuleystay Kiirikeeliyawikaas iyo  Wanarenja Kirakiliyaawikaas, waxey ka badiyeen oo si aad ah ula tartamayay horyaalkii hore ee adduunka ee reer Finland Taysto-meteneen oo tartankan horey ugu guuleystay 6-jeer.

Tartankan ayaa sanad walba waxa uu soo jiitaa kumanaan qof oo ka kala yimaadda daafaha kala duwan ee dunida, dadku waxey iskugu yimaaddaan deegaan yar oo ku yaalla dhex bartamaha Finland oo tirada dadka deggan ay gaarayaa 4200(Afar kun iyo Labo boqol oo qof). Tartankan oo la qabtay sabtidii ayaa waxa uu ahaa kii 24aad ee la qabto.

Kirkiiliyaawikaas iyo xaaskiisu waxey tartanka ka qaadeen Mitiniin oo ay kaga qaadeen koobka 0.1 ilbiriqsi, waa wax hal ilbiriqsi ka yar.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close