Uncategorized

Marka Aadan Garaneyn Habka Aad u Sheegan Lahayd Jacaylkaaga.. Raac 4 Talo oo Xal u Ah Mushkiladaada (Muuqaal)


Inaad jacaylkaaga u sheegato shaqsiyaadka aad jeceshay waa shay qurux badan, arrintaasi waxey sii adkeysaa xiriirka, gaar ahaan lamaanahaaga aad mustaqbalka ka leedahay, laakiin qofku marka aanuu garaneyn sida uu jacaylkiisa u sheegto waxey ku noqoneysaa dhibaato, sidaa darteed, website-ka WikiHow ayaa noosoo gudbinaya talooyin dhowr ah oo sahlan oo kaa garabsiinaya inaad caqabaddaa ka gudubto oo si sahlan aad u sheegan karto jacaylkaaga, waana sidan:

  1. Ubax u Gee

Waxaa dhici karta in wadadani ay tahay mid ay dadku horey u yaqaaneen, laakiin majirto wax kaga wanaagsan tarjumaadda erayga waan ku jecel lahay in ubax lagu muujiyo, gaar ahaan nooca uu lamaanahaagu jecel yahay, ku dadaal inaad ubax u geyso oo aad sii raaciso warqad romantig ah oo aadan magacaaga ku sii qoreyn, laakiin adigu si shaqsi ah aad gacantaada ugu dhiibto ama aad u sii dhiibto qof kale oo aan ku garaneyn  inuu gaarsiiyo guriga gabadha aad jeceshay ama xafiiska ay ka shaqeyso, ubaxyadu waa hadiyadaha dareenka wata ee kalaasiga ah.

  • Goob si gaar ah xasuus kuugu leh la raadso

Dooro oo kula kulan lamaanahaaga goob dabiici ah oo dhankaaga qiimo ku leh, sida; gurigii aad ku soo kortay ama meesha aad jeceshahay inaad ku nasato oo aad ku fakarto,xasuustaadii hore shay ka mid ah u hadiyee u sheeg inuu qiimo agtaada ku leeyahay, arrintaasi waxey dareensiineysaa inaad tahay qof qaas ah oo aad kuugu dhow.

  • Sawirrada xasuusta leh

Xulo sawir aad isla joogtaan lamaanahaaga oo farxad badani ay idinka muuqato oo u hadiyee, u sheeg sababihii aad u dooratay iyo xasuusta gaarka ah ee sawirkani uu agtaada ku leeyahay.

  • Howl yar oo sahlan

Jacaylku xilliyada qaar uma habboona in lagu muujiyo ficillo waaweyn ama boorar ay ku qoran yihiin erayo awood badan oo qalbiga gilgila, isku day inaad wax wanaagsan sameyso, sida; inaad albaabka gaariga u furto ama koobkeeda qahwaha ee subixii aad u keento ama aad farriin u dirto aad ugu sheegayso iney fikirkaaga marnaba ka marneyn oo daqiiqad walba ay caqligaaga ku wareegayso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close