Uncategorized

Wasiirka Waxbarashada Puntland: Waa La Siyaasadeeyey Shahaadada Dugsiga Sare ee Wasaaradda Waxbarashada DFS


Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa shahaadadii dugsiga sare ee heer Federaal la siyaasadeeyay ardayda Puntiland mugdi laga geliyay iney heli karaan shahaadaasi, wasaaradda waxbarashadana DFS ay caqabado badan kala kulmeen.

Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland oo maanta ka hadlayay xaflad looga dhawaaqayay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee  Puntaland iyo ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka ayaa sheegay in shahaadaha dugsiga sare ee heer Federaal u xayiran tahay arrimo Siyaasadeed.

Wasiirku waxa uu cod dheer ugu baaqay madaxda dowaladda Federaalka in arrintan xayireysa shahaadada ardayda xal loo helo, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Illaa iyo hadda arrinta shahaadada Federaalka xal looma helin, xal u helideedaasna waa arrin la siyaasadeeyay, oo bulshada Puntland iyo dowladda Puntlandba ay og tahay , arrinaasi waxaa looga fadhiyaa dowladda Federaalka ah iney wax ka qabato, ardaydaa 5000 kun ah ee Soomaaliyeed ee ku nool Puntland shahaadadoodii iney u xannibnaanto arrin siyaasadeed runtii waa arrin…,”

Waxa uu wasiirku sheegay iney diyaar u yihiin in Wasaaradda Waxbarashada DFS ay kala shaqeyaan wixii waajibaad ah ee Puntland looga baahan yahay si ardayda shahaadada loogu fududeeyo, laakiin ay wasaaradda caqabado kala kulmeen:

“ Runtii waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed inaan aragti ahaan iyo siyaasiyanba isku soo dhawaanno, annagu diyaar baan u nahay inaan kala shaqeynno wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare wixii ay nooga baahan tahay, laakiin mushkiladda jirtaa waa wadashaqeyn dhankaa nooga imaaneysaa ma jirto, sidaa darteed; madaxda dowladda Federaalk ah iyo kuwa dowladdeenna Puntlandba waxaan ka codsaneyna arrinkaa sida ugu dhakhsiyaha badan loo xalliyo.”

Si kastaba, ardayda shahaadiga ah ee ka qalinjabisay sanad dugsiyeedkan iskuullaadka sare ee Puntland ayaa waxaa mugdi uu ku jiraa shahaadadii ay uga baahnayeen wasaaradda waxbarasahda ee heer Federaal oo u suurtagalin lahayd iney minxooyin waxbarasho ka helaan dalka dibadiisa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close