Uncategorized

Isagoo Adeegsadanaya Labo Hub oo Yaab Badan.. Nin Geesi Ah oo Fashiliyey Iskuday Dhac loo Geystan Lahaa Maqaaxi Ku Taalla Gudaha Australia (Muuqaal)


Haweenay maqaayad yar ka shaqeysa gobolka Queensland ee Australia, ayaa waxaa lama filaan ku noqotay inuu weerar ku soo qaado tuug maasgaro soo xirtay oo lacag doonayay inuu ka dhaco, laakiin waxaa badbaadiyay gaasinada nin tuuga u bareeray  oo ku difaacay kursi iyo weelka dhirta lagu beero oo maqaaxida dhex yaallay.

Muuqaalka dhacdadan laga duubay oo booliska Queensland ay soo dhigeen bartooda Facebook, ayaa muujinaya tuuggii oo maqaaxida soo galaya kowdii habeennimo, isagoo xiran dhar madow iyo maaskaro uu wejigiisa ku soo daboolay, waxaana uu ku hubaysnaa baangad.

Tuuggii intii uu ku mashquulsanaa gabadhii shaqaalaha ahayd ee ay lacagta u soo saareysay, ayaa waxaa gadaal kaga yimid nin isla markiiba gacanta ku soo qabsaday kursi wadada yaallay oo tuugga la haleelay, laakiin tuuggii waxaa u suurtagashay inuu marlabaad soo koco, isagoo isku dayay inuu baangaddii uu watay la haleelo ninkii isku dayay inuu maqaaxida ka difaaco.

Marlabaad ayaa ninkii uu ku wareeray hub kale oo yaab badan, waxa uu soo laacay oo ay gacantiisu haleeshay weel dhirta lagu beero oo maqaaxida yaallay markaas ayuu tuugga ku weerayay, tuuggii marka uu arkay inuu ninkani mintid yahay xoogaa lacag ahn ay gacantiisa gashay ayuu isku dayay inuu ka baxsaday maqaaaxidii , laakiin ninkii geesiga ahaa sidaa uga aanuu harin illaa uu ka soo dhigo lacagii yarayd oo uu gacantiisa ku sii qaatay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close