Uncategorized

Talooyin Ku Aaddan Sida Loola Dhaqmo Waalidka Marka Ay Howlgab Noqdaan.. Waxey U Baahan Yihiin “Daryeel iyo Kalgacayl” (Muuqaal)


Waalidku waxa uu dareemaa marka uu howlgab noqdo caruurtiisun ay koraan oo ay kala guursadaan kalinimo, waxa uu dareemaa in howlaha uu qabanayo aaney qiimo lahayn, arrintaas oo si taban u saameynaysa nafsi ahaantiis, xilligaas oo kale; waalidku waxa uu ubadkiisa uga baahan yahay garab istaag, sidaa darteed; waa inaan ku dhaqanno talooyinka qaar si aan waalidka u garab istaagno, waa sida uu qoray website-ka “Dailycaring”.

Talooyin ku aaddan habka loo daryeelo waalidka marka ay shaqada ka fariistaan ee ay howlgabka noqdaan

-Dadka waaweyn waxaa dhici karta in hurdo yari badani ay soo waajahdo, arrintaas oo mashaakil badan oo dhanka caafimaadka ah uu ka dhalan karo, sidaa darteed; waxaa laga maarmaan ah inaad waalidka siiso talooyinka qaar, sida; inaad jadwal hurdo u sameyso ama aad kula taliso inaaney kafayga cabin si aaney hurdo yari u dareemin.

-Caruurta waxaa laga rabaa iney si joogto ah u soo booqdaan waalidkood iyagoo maalmaha kala qeybsadanay, si ay u madadaaliyaan uguna dhiirrigeliyaan iney jimicsi sameeyaan mid sahlanba ha noqdeen, oo ay weheliyaan si aaney kalinimo u dareemin.

-Waxaa waajib ah inaad waalidku uu ka qeyb noqodo munaasabadaha bulsho ee kala duwan, sida; xafladaha guurka ama iney xubnaha qoysku isku raacaan safar dalxiis goobaha loo madadaalada doonto.

-Waa in lagu dhiirrigeliyo iney raacaan nidaam cunto caafimaad oo ay badsadaan cunnada dabiiciga ah iyo khudaarta oo lagama maarmaan u ah noloshooda.

-Sidaas oo kale, halkan waxaa lagu talinayaan in caruurtu ay u muujiyaan waalidkood kalgacaylka ay u hayaan, sida; iney hadiyado u soo iibiyaan si joogto ahna ay u soo booqdaan, oo ay daryeelaan arrintaas oo caafimaadkooda hagaajineysa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close