Uncategorized

Haweenay Weeyaal ah oo Reer Ingiriis Ah oo Riyadeedii Noloshu u Rumowday Markii Ay Gaartay 95-jir!


Haweenay waayeel ah oo dalka Ingiriiska u dhalatay ayaa waxaa u Suurtagashay iney riyadeeda nolosha ay xaqiijiso, kadib markii ay u sugeysay xaqiijinteeda muddo Qarni ku dhow.

Jariidada The Mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in haweenaydani ay dhalatay 1924,  lana yiraahdo Galadiis Balaakborg, weligeed waxey ku riyoon jirtay iney mar un diyaar raacdo, laga soo bilaalo xilliyadii hore ee la bilaabay safarrada duulimaad ee rayidka.

 Fursaddu uma aaney saamixin weligeed iney diyaarad raacdo, waxey arki jirtay diyaarado soo dagaya iyo kuwo kale oo ka duulaya garoon diyaaradeed maxalli ah, xilliyada fasax sanadeedkeeda waxey ku safri jiray gaari ama tareen.

Markii ay arrinteeda ka war heleen shaqaalaha guri ay ku nooshahay oo dadka waayeelka ah lagu xanaaneeyo, doonisteeda iyo riyadeeda aan weli u dhaboobin, ayaa waxey u guntadeen sidii ay uga farxin lahaayeen, waxey arrinteeda la kaashadeen shirkadda duulimaadka (Easy Jet) iyo airportka London Looting.

Shaqaalaha guriga xanaanada ay ku nooleyd ayaa goostay iney safar u kaxeeyaan oo ay geeyay goobta loo dalxiiska tago ee bad yareyda Jineyf ee caaka ah, iyadoo la tixgeliyaya rabitaankeeda iyo iney dooneysay iney soo aragto oo hadafkeeda nolosha uu ka mid ahaa iney goobtaa booqato.

Shirkadda duulimaadka ee Balakborg ayaa u diyaarisay tigid iyo adeeg darajada koowaad ah, iyadoo arrintaa lagu sharfay maadama ay u rumowday markii ugu horreeysay arrinkii ay in muddo ah ku taameysay.

Farxad ayey la qeylisay markii ay diyaaraddu duushay, waxey tiri; “Hawada sare ayaan  duulayaa, waxwalba oo aan halka hoose ka soo eego sidii aan moodayay wey ka qurux badan yihiin,”

Dadkii safarka ku weheliyay oo dhan wey u mahadcelisay markii ay aragtay bad yareyda Jineyf, waxey ka war bixisay sida ay ula dhacsan tahay waxwalba oo ay aragtay, maadama ay u xaqiiqoobeen riyooyinkeedii nolosha ee ay weligeed ku taami jirtay iney mar un gaarto.

https://www.mirror.co.uk/travel/news/95-year-old-womans-dream-17479051

Related Articles

Close