Uncategorized

Ragga oo Qura.. Saynisyahanno Daahrogay Nooca Dhiigga ee Ugu Soo Jiidashada Badan Dumar (Muuqaal)


Dhiiggu qeybiihu waxey u qeybsmaan afar nooc oo aasaasi ah, A, B, AB, O, nooc kasta oo noocyadaa ka mid ah waxa uu leeyahay nooco ka farcama, waxaa muhiim ah inaad taqaanno nooca dhiigaaga, maxaa yeelay; waxaa yeelay; wey ku saacidi kartaa marka aad dhiig u baahato ama dooneyso inaad ku tabarucdo oo qof kale oo u baahani uu jiro, ku darso nooca dhiigaagu u yahay waxaa laga ogaan karo astaamo badan oo shaqsiyadaada ku saabsan.

3-kun oo mutadawac oo rag ah ayaa waxey ka qeybgaleen tijaabooyin la marsiiyay, waxaa tijaabada qaaday saynisyahanno Jarmal ah, si ay u ogadaan nooca dhiigga ee ugu soo jiidashada badan dumarka, waa sida ay sheegeen Saynisyahannadan Jarmalka ah.

Baaritaanno kala duwan ayaa dadka la marsiiyay, waxaa la ogaaday in nooca dhiigga ee (O), uu yahay kan ugu soo jiidashada badan , caado ahaanna qofka noocaas uu dhiiggiisu yahay hal lamaane wax ka badan ayuu leeyahay.

Haddaan eegno ragga leh nooca dhiigga (A), aad uguma firfircoona dhanka dumar, waa dad is xakameyn badan xiriirka ay sameeyaan aan si sahlan ku jarin.

Marka la eego ragga leh nooca dhiigga (B), daraasaddu waxey sheegtay ine dareenkoodu uu furan yahay, aadna ay u xanaano badan yihiin.

Marka la eego kooxda afaraad ee dhiigga (AB), daraasaddan waxey tilmaantay iney yihiin dad aan jecelayn iney wax matalaan oo dadka kale ay ku daydaan, waana dad dhaqanka aad u tixgeliya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close