arrimaha bulshadaWararka

Samada oo Ay Lacagi Kasoo Da’aday Sidii Roobkii oo Kale Gudaha Dalka Mareykanka (Muuqaal)


Tiro ka mid ah darawallada gawaadhida kirada, ayaa u kala tartamay iney gurtaan lacag samada uga soo daadatay, laakiin booliska ayaaa aaminsan iney habboon tahay iney lacagtaa dib u soo celiyaan maadama ay si khaldan oo aan ku talagal ahayn lacagtaasi ugu soo daadatay.

Darawallada ayaa waxaa u suurtagashay iney lacagta uruursadan, waddo ka mid ah waddooyinka Joorjiya oo gawaadhida xawaaraha ku socotaa ay maraan gudaha dalka Mareykanka, waa sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Radio-ga WSB Radio.

Dhacdadan ayaa waxey ka dhacday meel u dhow magaalada Atlanta, gaadhi kiro oo ku socday wadada xawaaraha lagu maro ee 285,  ayaa albaabku u furmay, waxaa ka biday lacago aad u farabadan oo wadadii ku daadatay.

Darawallo badan ayaa gawaadhidoodii joojiyay si ay lacagaha u gurtaan, afhayeen booliska u hadlay  oo la yiraahdo Roberto Barison ayaa sheegay in kuwa ay u suurtagashay iney lacagta uruursadaan ay tahay iney dib u soo celiyaan. Lamana shaacin sida loo baadi goobayo dadka loo arko iney yihiin kuwo nasiib badan, ee goobtii dhacdada iskaga huleelay, iyagoo lacago farabadan wata.

Lama oga tirada lacagta inta ay gaarsiisan tahay iyo tirada markhaatiyaasha loo hayo toona, sida uu sheegtay afhayeenka, waxaa la ogyahay iney lacagtu ahayd mid aad u farabadan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close