Uncategorized

5 talo oo Kaa Garabsiinaya Inaad Hibadaada Daahrogto.. Waxaa Ugu Muhiimsan Inaad naftaada Waqti u Gaar Ah Siiso (Muuqaal)


In hibadaada aad kobciso waa shayga ugu wanaagsan ee yoolka noloshaada aad ku gaari karto, laakiin dadka qaar ma yaqanaan sida ay u kobcin lahaayeen amaba ay u ogaan lahaayeen hibadooda gaarka ah, dadka qaar aad bay u raadiyaan hibadooda iyo shayga ay ku wanaagsan yihiin mana helaan, sidaa dartee; website-ka WikiHow ayaa waxa uu soo bandhigay tallaabooyin sahlan oo kaa garabsiineysa inaad daahrogto hibaadaada gaarka ah, faahfaahintuna waa sidan:

  1. Naftaada baro

Diiwaangeli halka aad ku awood badan tahay iyo waxyaabaha lagaaga wanaagsan yahay, marka aad astaamahaaga kuu gaarka ah aad diiwaangelinayso, adeegso erayga aniga waxyaabaha aad ku fiican tahay, halka meelaha aad ka liidato aad u adeegsadaneysid waxaan doonayaan inaan gaaro.

  • Dadka kale garab weydiiso

Saaxiibadaa weydii waxa ay u arkaan inaad ku wanaagsan tahay oo aad kaga fiican tahay iyo meelaha ay is leeyihiin waad ka liidataa, si liiska waxyaabaha aad diiwaangelinayso ay ugu darsato. Ku dadaal inaad weydiiso dadka sida wanaagsan kuu yaqaanna  ee ra’yiga wanaagsan ku siin kara.

  • Naftaada waqti u gooni yeel

Waqti kuu gaar ah naftaada sii, si aad naftaada u xisaabiso, waqtigaasi mid maalinle ah ayuu noqon karaa, aqoontaada ayaad ku kobcin kartaa naftaada si wanaagsan ayaad ugu horumarin kartaa.

  • Meel hoose wax ka bilow

Waxa aad doonayso inaad noloshaada ka bedesho , waxey kuu sahlaysaa in marka hore aad eegto shayga hortabinta kuu leh oo fahamka naftaada sii kordhinaya. Marka aad ogaato meelaha aad ka liidato oo aad u baahan tahay inaad naftaada wanaajiso, hadaf u samee naftaada si kasta oo uu u yar yahay, ku fakar waxa uu hadafkaasi kaaga dhigan yahay, shaqsiyadaada iyo yoolka aad mustaqbalka tiigsaneyso.

  • Go’aan gaar aad caqabadaha kaga gudbeyso

Isku day shay aad markii hore ka baqan jirtay oo ku cabsigelin jiray, ha ogolaanin iney caqabado ku horistaagaan, ka bilow caqabadaha yaryar ka gudub kadib u gudub kuwa waaweeyn, waxaad arki doontaa inaad sidii hore ka adkaysi badan tahay, waxaana dhici karta hibo ay naftaadu lahayd oo kuu qarsooneyd inaad hesho.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close