Uncategorized

Ka Fogow Dhaliisaha oo Jacaylkaaga u Muuji.. Howlo Ay Lagama Marmaan Tahay Inaad Qoyskaaga u Sameyso Si Aad u Siiso Farxad Qalbigoodana Aad u Hanato (Muuqaal)


Nolosha qoyska waxwalba ayaa ka dhaca, xilliyada qaar waa la wada faraxsan yahay, marar kale waa la murugeysan yahay, xilliyada qaar waa la is fahamsan yahay, marar kale waa la kala didsan yahay oo khilaafka aad u fara badan, taasina waa arrin iska caadi ah, maxaa yeelay; noloshu hal-wadiiqo oo qura kuma wada socoto, sidaa darteed; website-ka WikiHow, ayaa waxa uu soo gudbinayaa talooyin dhowr ah sida loo dhaqmo marka xubnaha qoyska la yara kala didsan yahay ee uu khilaaf  jiro.

  1. Ixtiraam sheekada xubnaha qoyskaaga marka uu qofi hadlayo

Qofn ha u jawaabin ama hadalka haku kala gooyn marka uu ra’yigiisa cabbirayo, ixtiraamka marnaba ha ka tagin, arrintaasi kalsoonida ayey sii xoojineysaa xubnaha qoyska oo si wanaagsan iskugu xirmaya.

  • Ka fogow dhaliisha

Runta hala isku sheego iyadoo aan laga baqeyn wax dhaliil ah iyo niyad jabin in la isku rido, dadka laabtooda waxa ku jira banaanka ma soo dhigaan marka ay ka baqayaan in la canaanto ama ay ka cabsanayaan in si xoog ah loo dhaliilo.

  • Dhageyso

Dhageysiga wanaagsan waa marka aad si wanaagsan u fahmeysid waxa uu dhinaca kale sheegayo oo aad si wanaagsan ula socoto hadalkiisa, indhaha kala soco, madaxa u lux, isticmaal weedhaha qaar sida “Waan fahmi karaa” marka loo baahdo, dhageyso intii aad ka fakari lahayd jawaabahaaga, iskana ilaali inaad talo kula soo booddo iyadoo qofkii aanuu weli hadalkiisa dhammeysan.

  • Jacaylka iyo qadarinta aad u hayso u muuji

Ilbiqsiyada aad adeegsanayo erayga jacaylka ama ficil ahaan aad ku muujineyso waa tan ugu saameynta wanaagsan, u muuji xoogaa daneyn ah idigoo adeegsanaya erayga waan ku jeclahay iyo kuwa la halmaalka ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close