Uncategorized

Waxaa Lagu Qabtay Gudaha Mareykan Haweenay Gabar Yar oo Ay Dhashay Ku Khasabtay Iney La Noolaato “Mayd” Muddo 3-sano ah! (Muuqaal)


Dhacdo yaab badan, Booliska Mareykan ayaa qabtay haweenay ka soo jeeda gobolka Texas oo la yiraahdo Delissa Navonne Crayton oo 47-sano jir ah, kadib markii ay ku caddaatay in gabadheeda yar ay ku khasabtay iney la noolaato maydka ayeydeed oo muddo saddex sanno ah mootaneyd, laga soo bilaabo 2016.

Booliska ayaa helay haraadiga lafaha maydka oo la aamisan yahay iney haweenaydan la qabtay hooyadeed ay ahayd, haweenaydan oo la oran jiray Jacqueline Crayton , damb baayaashu waxey yiraahdeen haweenaydan oo 71-jir ah, marka ay dhimaneysay waxey ka soo dhacay sariirta qolkeeda hurdada sanadkii 2016, laakiin Dalisiya wey ku fashilantay iney taageero u fidiso oo dhowr maalmood ayey ku eegatay iyadoo dhulka ku galgalaneysa, dhulkii ayeyna ku geeriyootay.

Boolisku hooyadan waxey ku fureen dacwad oo waxey ku soo eedeeyay dhowr qodob oo xabsiga ay ku mutaysan karto uu gaarayo 20-sano oo xabsi ah, halka la tilmaamayo iney mutaysan karto 10,000-dolar(tobon kun) oo ganaax ah, halka boolisku wadaan baaritaankoodii.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close