Uncategorized

8 Talo oo Muhiim u Ah “Haweenka” Si Ay Ula Jaanqaadaan Waajibaadka Nolosha Casriga Ah Lamaanahooda Ay u Farxad Geliyaan (Muuqaal)


Lamaane kasta waxaa waajib ku ah iney ku dadaalaan in dhinac walbaa dhinaca kale uu farxad geliyo, iyagoo raacaya waddooyin kala duwan oo qof walbaa uu raadinayo waxyaabaha uu daneeyo dhinaca kale, waddo lagu jabinayo nolol maalmeedka caadiga ah ee maalin walba si joogta ah qofka u soo marta, si hadaba, arrintaa loo gaaro, websiteka ”momjunction”, waxa uu inoosoo gudbinayaa talooyin muhiim ah oo gabadhu ay raaci karto si ay lamaanaheeda ay guriga ku wada nool yihiin ay u farxad geliso.

Talooyinka gabadha la siinayo

  1. Nadaafadaada ku dadaal, ku labiso dhar midabkiisu isla jaanqaadayo, adeegso barafuunka, iyo waxyaabaha kale ee lamaanahaaga aad ku soo jiidan karto.
  2. Timahaaga u shalleyso hab la jaanqaadaysa wejigaaga quruxdiisana soo saareysa, ku dadaal ciddiyahaaga, wejigaaga, lugaha iyo gacmaha si gaar ah ugu dadaal.
  3. Gabadha waxaa waajib ku ah iney lacag ahaan ay isku filan tahay, waa iney raadiso shaqo ay mushaar ku qaadato oo si bille ah ay wax uga soo galaan, waana arrin nolosha casriga ah ay ina farayso, haddii lamaanahaagu kugu filan yahay oo aanuu dooneyn inaad dibadda u baxdo waxba kuma jabna inaad taladiisa raacdo.
  4. Waa inaad raacdo nimaad cunto caafimaad, ciyaar sports-ka si aad cayilka uga dheeraato oo jirkaaga jalaqsanaantiisa aad u ilaashato.
  5. Baro xeelado cusub oo cuntada aad u kariso, daawo barnaamijyada cunno karinta, amaba akhri buugaagta cunno karinta laga qoray si qaabab kala duwan ah oo cunno Karin ah aad u barato.
  6. Lamaanahaagu waxa uu jecel yahay muhiimad gaar ah sii, sida; haddii uu jecel yahay nooc goonni ah oo filimaan ah inuu daawado ku tixgeli, haddii uu kubadda cagta xiiseeyo ha ku dhaliilin, ama uu leeyahay hiwaayad kale oo uu xiiseeyo.
  7. Waxaa waajib kugu ah inaad jacaylka iyo kalgacaylka aad u hayso lamaanahaaga aad muujiso, hadal ama ficil kolba kaad doonto ugu muuji, ku dadaal caafimaadkiisa iyo cuntada uu jecel yahay ee uu xiiseeyo.
  8. Xoogga saar munaasabadaha aad wadaagtaan, sida; inaad hadiyad u soo iibiso, casho romantig ah aad u diyaariso, arrinaas oo keenaysa iney marwalba nolosha qoyska uu noqdo mid sii cusboonaada oo farxadda ay ku badan tahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close